Ciidanka Eritrea oo ka baxay magaalooyinka ay joogeen Tigray

Image
Image
Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Askarta Eriteriya ayaa ka hayaamay magaalooyinka Shire, Axum iyo Adwa, ee gobolka Tigray, sida ay sheegeen goobjoogayaal, balse ma cadda in dib u gurashadu ay tahay mid ku meel gaar ah.

Goobjoogeyaal ayaa sidoo kale waxay ku eedeeyeen ciidamadda xukuumadda Asmara in ay ka dambeeyeen qaar ka mid ah xasuuqyadii ugu xumaa ee mudadii ay ismaamulkaas joogeen loo geystay dadweynaha Tigreega.

Wasaaradda warfaafinta ee Eritrea ayaa wali ka jawaabin su'aalaha ku geedaaman bixitaanka ciidamadda dalkaas. Su'aalahaas waxay ku qotomaan daahfurnaanta dhanka eedeymaha loo haysto iyo in ay dib u soo laaban doonan.

Eritrea ayaa la rumeysan yahay in muddo dheer cadaw u arkeyso hoggaamiyeyaashii hore ee Tigray ayaa inta badan kooxaha ama ururada xuquuqda aadanaha ku tilmaameen mid ka mid ah waddamada adduunka ugu tacadiyadda badan.

"Wali ma ogin inay ka baxayaan gebi ahaanba Tigreega," ayuu yir sii hayaha kaaliyaha xoghayaha arimaha dibada Mareykanka, Robert Godec, oo la hadlayey guddiga arimaha dibada ee Aqalka Hoose.

Mareykanka ayuu xusay in uusan helin wax war oo la xiriira bixitaanka ciidanka Eriteriya ama in ay ka go'an tahay xabad joojinta kadib "wax u muuqda in ay si weyn u hayaameen ciidamadii difaaca qaranka Itoobiya ee Tigray".

Hogaamiyaasha Tigreega ayaa waday dagaal dhuumaaleysi ah tan iyo bishii Nofeembar markii ay siyaasad ahaan ay is khilaafeen xukuumada ra’iisul wasaare Abiy Ahmed oo ku duushay ismaamulkaas wallow gacanteedu ka baxdey hadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM