Abiy oo shaaciyey in ay "si buuxda u qabsadeen" caasimada Tigray
ADDIS ABABA, Ethiopia – Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa war qoraal ah ku shaaciyey in uu si guul ah kusoo dhamaadey howlgalkii gobolka Tigray lana wareegeen magaala madaxda Mekelle.
Abiy ayaa xusay in ciidamadda federaalka ay gurmad gaarsiin doonan dadka oo uu ka dhawaajiyey in ay ka heleen taageero dhinacyo kala duwan.
Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashadda xukuumadda Addis Ababa kana soo baxay hogaanka Tigray kuwaasoo Abiy ka xusay in ay goobayaan soona taagayaan cadaaladda.
Mar sii horeysay oo maanta ah, ciidamada dawlada Itoobiya ayaa bilaabay duulaan ay ku doonayaan inay ku qabsadaan magaalo madaxda gobolka Tigray ee Mekelle, sidda uu sheegay diblomaasi si toos ah ula xiriiray dadka deegaanka, iyo hogaamiyaha xoogaga hubeysan ee TPLF.
Debretsion Gebremichael, oo ah hogaamiyaha kooxda Tigray People’s Liberation Front (TPLF), ayaa wakaaladda wararka ee Reuters ugu sheegay fariin qoraaleed in Mekelle ay “duqeyn culus” kala kulmeyso Milatariga Itoobiya oo uu xusay in ay adeegsanayaan madaafiic.
Diblumaasiga ayaa tilmaamay in qaraxyo laga soo sheegay waqooyiga magaalada gaar ahaan aagga lagu magacaabo Xamidai. Diblumaasi labaad ayaa sidoo kale sheegay in weerarka uu bilowday.
Billene Seyoum, oo ah afhayeenka xafiiska raiisul wasaaraha, ayaa tiri: “Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya ma laha hadaf ay ku duqeeyaan magaaladooda iyo dadkooda. Mekelle ayaa wali ah mid kamid ah magaalooyinka muhiimka ah ee Ethiopia iyo dadaalada lagu doonayo in cadaalada lagu horkeeno kooxdan dambiilayaasha; sheegashadda ‘duqeyn’ waa dayaacad ay doonayaan in ay cadaalada kaga baxsadaan hogaanka TPLF".
Waxay intaas ku dartay: "Badbaadada Itoobiyaanka ee Mekelle iyo gobolka Tigrey waa ahmiyadda koowaad ee dowlada federaalka".
Sheegashooyinka dhinacyada oo dhan way adagtahay in la xaqiijiyo maadaama khadka taleefanka iyo internetka ee gobolka uu hawada ka maqan yahay tan iyo markii uu bilaawday dagaalka seddex usbuuc ka hor.
Dawladdu waxay ku wargelisay kooxda TPLF Axadii lasoo dhaafay inay hubka dhigaan ama ay wajahaan weerar lagu qaado Mekelle oo ah magaalo ay ku nool yihiin 500,000 oo qof. Waqtiga kama dambaysta ah waxay dhamaatay Arbacadii.
Abiy ayaa Jimcihii u sheegay wakiilada nabada ee Afrika in dowladiisa ay ilaalin doonto dadka shacabka ah ee Tigray. Laakiin Abiy wuxuu ku adkeystay in khilaafka uu yahay mid maxali ah, dowladdiisuna ay ilaa iyo haatan diiday inay isku dayaan waan-waan.
Guluf milatari
Milatariga Itoobiya wuxuu la dagaalamayay xoogaga waqooyiga gobolka Tigray, oo xaduud la leh Ereteriya iyo Suudaan, tan iyo Nofeembar 4.
Abiy wuxuu ku eedeeyay hogaamiyaasha Tigreega inay bilaabeen dagaalka iyagoo weeraraya ciidamada federaalka ee fadhiisinka ku leh Tigray. Kooxda TPLF ayaa sheegaysa in weerarku ahaa mid kadis ah.
Kumanaan qof ayaa la rumeysan yahay inay dhinteen, halka ku dhowaad 43,000 oo qaxooti ahna waxay u qaxeen Suudaan.
Debretsion ayaa sidoo kale ku eedeeyay militariga Eritrea inay kasoo talaabeen xadka ayna weerareen xeryaha qoxootiga ee Tigray si ay u qabtaan qaxooti horay uga soo cararay Eritrea.
Xukuumadda Asmara ayaan wali ka jawaabin eedeyntaas. Isku dayo warbaahinta caalamka la sameysay si ay uga falceliso kama jawaabin.
TPLF iyo Eriteriya ayaa aad u xifaaltama: TPLF ayaa Addis Ababa ka talineysay markii Itoobiya iyo Eriteriya dagaal ku dhexmareen 1998-2000 Laakiin Ereteriya iyo Abiy waxaa ka dhexeeya xiriir diirran.
Dowlada Itoobiya ayaa beenisay eedeynta kooxda TPLF ee ah in ciidamada Eriteriya ay ka howlgalayaan dhulka Itoobiya.
Ereteriya waa mid ka mid ah waddamada adduunka ee uu ka jiro go'doonka ugu badan. Marnaba ma dhicin doorashooyin mana jirto warbaahin madaxbanaan oo ka shaqeysa halkaas labaatan sano. Markay 18-jir gaaraan, ragga iyo dumarka reer Eriteriya waa inay galaan shaqo khasab ah gobolka muddo aan la cayimin. Qiyaastii 10% dadku way qaxeen.
Fiidnimadii Jimcaha ee Eritrea, "shanqar weyn, oo suuragal ah qarax" ayaa laga maqlay magaalada Asmara, safaaradda Mareykanka ayaa sidaas ku sheegtay bayaan ay soo saartay Sabtidii. Kooxda TPLF ayaa gantaalo ku garaacdey Asmara 14-ka bishaan November.
Xukuumadda Addis Ababa oo Jimcadii qoraal u dirtay safaaradaha ajanbiga ee fadhigoodu yahay magaala madaxda ayaa uga digtey in ay la saftaan xoogaga TPLF waxayna xustey in ay halis ugu jiraan in la eryo hadii ay qaadaan talaabooyin u jaranjeera dhanka kooxda hubyesan.
GAROWE ONLINE