Ciidanka Suudaan oo bilaabay beegsiga dadka u ololeeya dimuqraadiyada

Image
Tan iyo markii uu dagaalka qarxay 15-kii Abriil, dhakhaatiir, saxafiyiin iyo siyaasiyiin ayaa la bahdilay, lana weeraray

KHARTUUM, Suudaan - Ciidamada ammaanka Suudaan ayaa xabsi u taxaabay saddex qof oo u ololeeya dimuqraadiyadda, sida uu sheegay xubin qoyska ka tirsan, asxaabtooda iyo warbaahinta maxalliga ah.

Mohamad “Tupac” Adam, Mohamad al-Fattah iyo Mohamed al-Bushra ayaa lagu xiray subaxnimadii Talaadada magaalada Madani, oo ah magaalo ku taal waqooyiga gobolka Jaziira, hooyada dhashay Adam ayaa u sheegtay Al-Jazeera.

Sidda laga soo xigtey warbixinadda, saddexda rag ayaa la beegsaday xili ay shir ku lahaayeen xarun dugsi hoose si ay uga wada hadlaan sidii loo caawin lahaa dadka barakacayaasha ah.

Aadam iyo al-Fattah ayaa inta badan cunto iyo gargaar u qaybin jiray dadka imaanaya magaalada kadib markii ay ka soo carareen colaadda caasimadda Khartoum, sidda ay sheegeen dadka deegaanka.

Ilaa hadda ma cadda sababta raggan loo xiray. Aljazeera ayaa la xiriirtay afhayeenka ciidamada Sudan Nabil Abdullah si uu faallo uga bixiyo hase ahaatee kama uusan jawaabin.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in xarigan uu qeyb ka yahay olole ballaaran oo ay wadaan ciidamada si ay uga hortagaan shaqsiyaadka caanka ah ee ka tirsan dhaq dhaqaaqa dimuqraadiyada iyo in la xoojiyo xakameynta gargaarka.

Tan iyo markii uu colaadda qarxday 15-kii bishii Abriil sanadkan 2023-ka, dhakhaatiir, saxafiyiin iyo siyaasiyiin ayaa la bahdilay, lana weeraray si looga weeciyo dhabahooda shaqadda.

Xubnaha guddiyada iska caabinta - kooxaha xaafadaha ee hormuudka ka ah baaqyada dimoqraadiyadda iyo bixinta sahayda muhiimka ah ee dadka rayidka ah ee lagu qabto dagaalka - ayaa sidoo kale la beegsaday.

7-dii Maajo, ciidamada ayaa xiray laba nin oo ka tirsan guddigii wax-ka-caabbinta oo u soo gelbiyay dagaal-yahannada RSF ee dhaawaca ah cusbitaalka, ka hor inta aanay daabicin hadal caddaynaya xariga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM

WAR CUSUB: Congo oo diiday Qunsul ay Kenya u dirtay magaalada Goma oo Mucaaradka haysto

Fallaagada M23, oo marar badan lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah dadka rayidka ah, ayaa sanadkan ku fiday dhul ballaaran oo ku yaalla bariga Congo.

  • Afrika

    17-08-2025

  • 01:51PM