"Ciidankeena yaan la heeb-soocin, hadey Jubaland degto way baxayan"
KISMAAYO, Jubbaland – Hogaamiyaha Aqlabiyadda baarlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale, ayaa khudbad dhinacyo badan uu kaga hadlay wuxuu ka jeediyay caleema saarka Axmed Madoobe, madaxweynaha Jubbaland.
Ducaale, oo dhanka dowladnimadda ah shaqsiga saddexaad ee ugu awooda badan Kenya, ayaa hambalyo diiran u diray Axmed Maxamed Islaam, oo uu u balanqaadey in ay si dhow ula shaqeyn doonan inta uu xafiiska joogo.
Xildhibaanka laga soo doorto gobolka ay Soomaalidu ku badan tahay ee Garrisa ayaa bogaadiyey doorka uu maamulka Kismaayo kaga jirto dagaalka ka dhanka ah maleyshiyaadka argagixisadda ah ee Al-Shabaab.
"Jubbaland waxay caan ka noqotay Geeska Afrika, sababtoo dagaalka ka dhanka ah argagixisadda oo ay safka hore kaga jirto, waana ku garab taagan nahay dagaalka argagixisada iyo dowlad dhisida," ayuu ku bilaabay.
Socdaalka Barre ayaa yimid xili ay xukuumadda Muqdisho ku amartay diyaaradaha ka imaanaya ku wajahan Kismaayo ee ka imaanaya Kenya ay soo maraan madaarka diyaaradaha Muqdisho.
Diyaaradii Aadan Ducaale ayaa nan fulin amarkaas. Iyadda oo aanan wali la ogayn sababta, haddana xiriirka labadda dal ayaa waxaa qodxo u yeelay dacwadda badda ee hortaala Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ.
"Soomaalidu waxay dhahdaa 'Islaan uunsan jirin haddey uunsato meel aysan ka guban jirin ayey ka gubataa' hadda waxaan u maleynayaa Soomaaliya, dad siyaasiyiin ah oo ebel uunsan jirin ayaa hadda uun-sanaya, markaa meelo badan ayaa laga gubanayaa," ayuu xusay.
Siyaasiyiinta Soomaalida ayuu ku booriyey in ay miiska wada hadalka isugu yimaadaan ayna iska booga dhayaan ismaandhaafka kasta oo ka dhashay khilaafyadii u dambeeyay oo ay kamid tahay doorashadda Jubbaland.
"Kenya waxay Soomaaliya u qabatay waddan u qabtay ma jiro, waxay qaabishay qaxootiga Soomaaliyeed. Soomaalida wadanka Kenya wuxuu u yahay gurigoodii labaad…dalalka deriska ee hadda aad garab-ordeysiin waqtigaas wey jireen, laakiin Soomaali ma soo dhaweynin," ayuu hoosta ka xariiqay.
Al-Shabaab ayaa ah khatarta ugu badan ee ay wajahayaan labadda ee deriska ah. Ururka wuxuu weeraro dhimasho badan dhaliya uu ka fuliyaa labadda dal. Khilaafkoodana wuxuu u yahay fursad dahabi ah.
"Danaheena waa Soomaaliya oo degan, nabad ah oo xasiloon. Danaheena waa Jubbaland…annaga iyo Jubbaland waxaan leenahay xuduud, waxaa qasab ay nagu tahay…danaha amniga wadan-kanaga…wuxuu ku xiran yahay Jubbaland," ayuu Barre ka sheegay caleema saarka Axmed Madoobe.
Isaga oo u muuqda mid u jawaabaya mudaneyaal iyo siyaasiyiin taageersan dowladda Farmaajo kuwaasoo sheegay in ay Mooshin kawadaa ciidanka Kenya, Barre ayaa u sheegay in ay ka joojiyaan "heeb-sooca".
"Ciidamadeena waxay maalin kastana ku dhamaanayaa meeshan iyaga oo ilaalinata Soomaaliya iyo shacabka Kenya. Marka hadii maanta ay Jubbaland nabad hesho oo Soomaaliya ay degto…annaga hal daqiiqo masii joogeyno meeshan [Jubbooyinka]. Ciidamadana Kenyana farta yaan lagu fiiqin. Ciidamada Kenya waxay Soomaaliya ku joogaan magaca AMISOM.
Xoogaga Kenya ayaa Soomaaliya soo galay 2011-kii kadib markii ay ku bateen weeraradda kooxda gacansaarka la leh Al-Qaacida. Wallow aysan bilowgii hore kamid ahayn, haddana dib ayey kaga biireen howlgalka Midowga Afrika.
"Ciidamada Kenya waa sida ciidamada Itoobiya, Burundi, Jabuuti, marka anagga heeb-sooc ha nagu sameynina. Magaaladda Kismaayo oo qiimaha badana waxaa idin qabtay ciidamadda Kenya," ayuu kusoo xiray.
GAROWE ONLINE