Covid-19: Ghana oo u hanjabtey shirkadaha diyaaradaha

Image
Go’aankan oo dhaqan galaya Arbacada ayaa sidoo kale wuxuu uga digayaa shirkadaha in ay baalmaraan.

ACCRA, Ghana – Ghana ayaa sheegtay inay ku ganaaxi doonto shirkadaha diyaaradaha $3,500 rakaab kasta oo yimaada gegida caalamiga ah ee caasimadda iyadoo aan si buuxda looga tallaalin safmarka COVID-19.

Go’aankan oo dhaqan galaya Arbacada ayaa sidoo kale wuxuu uga digayaa shirkadaha in ay baalmaraan haddii ay dhacdadana ay wajihi doonan ciqaab taas lamid ah.

Iyadda oo dadka Ghana u duulaya iyaga oo aan buuxin shuruudaha loo ogolaan doono inay soo galaan dalka oo ay maraan karantiil 14 maalmood ah, ajaaniibta ayaa laga yaabaa in loo diido inay galaan.

Tallaabooyinka ayaa ah kuwii ugu dambeeyay ee Ghana ay qaado, waxaana durba bilaabatay in lagu tilmaamo qaar ka mid ah xannibaadaha ugu adag ee loosoo rogay Coronavirus-ka ee Galbeedka Afrika.

Tani ayaa imaanaysa maalin kadib markii uu dalku bilaabay in dhammaan rakaabka da'doodu ka weyn tahay 18 jir ay keenaan caddaynta tallaalka buuxa ee COVID-19.

Dowladda ayaa sheegtay in boqolkiiba 60 wadarta guud ee kiisaska cusub ee dalka laga diiwaan geliyay ay ka yimaadeen garoonka diyaaradaha intii lagu jiray muddo laba toddobaad ah.

Ghana, oo ay ku nool yihiin 31 milyan oo qof, ayaa leh mid ka mid ah barnaamijyada baaritaanka COVID-19 ee ugu wanaagsan gobolka. 132,000 kiis iyo 1,243 dhimasho ah ayaa la xaqiijiyey tan iyo markii uu cudurku bilaabmay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM