Cudurka Ebola oo soo laba kacleeyay iyo digniin culus oo laga soo saarey

Image

KINSHASA, DRC – Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo oo loo garan og-yahay DRC ayaa waxay ku dhawaaqdey in Waqooyi-Galbeed ee dalkaas uu ka dilaacay safmarka Ebola.

Wasiirka wasaaradaas, Eteni Longondo, ayaa shir jaraa'id ka sheegay in afar qof uu cudurka ku dilay Mbandaka, oo ah magaala madaxda gobolka Equateur oo haysta waaya aragnimo la xiriirta xanuunka.

Longondo oo ka dhawaajiyey in agab caafimaad oo talaalka uu kamid yahay ay u direen goobta ayaa qorsheynaya in uu dhamaadka asbuucaan booqdo halkaas si uu u soo indha-indheeyo siday xaaladu tahay.

DRC ayaa kamid ah dalalka uu sidda ba'an gumaadka uga geystay fayruskan. Intii u dhaxeysay May iyo July sanadkii 2018-kii, Ebola wuxuu galaaftay nolosha 33 ruux, hase ahaatee, waxaa ka bogsaday 21 kale.

Tan iyo markii uu dilaacay xanuunka bishii August, 2018-kii, Ebola ayaa tiradda guud ee dadka uu ku dilay DRC gaareysaa 2,280.

Walaacaan soo ifbaxay oo digniin laga soo saarey ayaa dharbaaxo ku noqoneysa ololaha uu qarankaan doonayo in uu kaga takhaluso safmarka kala ee Covid-19.

"Dadweynaha waa in ay xoojiyaan taxadarka. Qaabka kaliya oo aan kaga guuleysan karno xanuunka waa wadajirka," ayuu Eteni Longondo u sheegay saxaafadda, isagoo tibaaxay in ay dedaalayaan.

Kiisaska Coronavirus ee gudaha DRC ayaa gaaraya 3,195 oo 2,896 kamid ah laga soo wariyey caasimadda Kinshasa, dhimashadda guud ahaan waa 72, sidda ku xusan warbixintii ugu dambeysay ee dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM