Cudurka Ebola oo soo laba kacleeyay iyo digniin culus oo laga soo saarey

Image

KINSHASA, DRC – Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo oo loo garan og-yahay DRC ayaa waxay ku dhawaaqdey in Waqooyi-Galbeed ee dalkaas uu ka dilaacay safmarka Ebola.

Wasiirka wasaaradaas, Eteni Longondo, ayaa shir jaraa'id ka sheegay in afar qof uu cudurka ku dilay Mbandaka, oo ah magaala madaxda gobolka Equateur oo haysta waaya aragnimo la xiriirta xanuunka.

Longondo oo ka dhawaajiyey in agab caafimaad oo talaalka uu kamid yahay ay u direen goobta ayaa qorsheynaya in uu dhamaadka asbuucaan booqdo halkaas si uu u soo indha-indheeyo siday xaaladu tahay.

DRC ayaa kamid ah dalalka uu sidda ba'an gumaadka uga geystay fayruskan. Intii u dhaxeysay May iyo July sanadkii 2018-kii, Ebola wuxuu galaaftay nolosha 33 ruux, hase ahaatee, waxaa ka bogsaday 21 kale.

Tan iyo markii uu dilaacay xanuunka bishii August, 2018-kii, Ebola ayaa tiradda guud ee dadka uu ku dilay DRC gaareysaa 2,280.

Walaacaan soo ifbaxay oo digniin laga soo saarey ayaa dharbaaxo ku noqoneysa ololaha uu qarankaan doonayo in uu kaga takhaluso safmarka kala ee Covid-19.

"Dadweynaha waa in ay xoojiyaan taxadarka. Qaabka kaliya oo aan kaga guuleysan karno xanuunka waa wadajirka," ayuu Eteni Longondo u sheegay saxaafadda, isagoo tibaaxay in ay dedaalayaan.

Kiisaska Coronavirus ee gudaha DRC ayaa gaaraya 3,195 oo 2,896 kamid ah laga soo wariyey caasimadda Kinshasa, dhimashadda guud ahaan waa 72, sidda ku xusan warbixintii ugu dambeysay ee dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aamusnaanta Midowga Afrika ee qorshaha Masar ay ciidamo ugu dirayso Soomaaliya oo su’aalo dhalisay

Qorshaha ciidamada Masar ayaa sidoo kale ku soo beegmaya xilli ay sii xoogaysanayaan loollanka istaraatiijiyadeed ee Masar iyo Itoobiya.

  • Afrika

    26-10-2026

  • 05:20AM

Ruushka oo Uganda siinaya taageero milatari oo dhan $53 milyan

Qalabkan ayaa la filayaa inuu sare u qaado awoodda ciidamada Uganda ee ilaalinta biyaha iyo ka jawaabista xaaladaha amni.

  • Afrika

    25-10-2026

  • 04:58AM