Cyprian Kubai: Kenya oo safiir cusub usoo magacaabatay Soomaaliya

Image
Cyprian Kubai Iringo ayaa horey u ahaa mudane ka tirsan baarlamaanka Kenya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Cali Maxamed Cumar, ayaa nuqullo kamid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka gudoomay Safiirka cusub ee Kenya, Cyprian Kubai Iringo.

Danjire Cyprian Iringo oo horey u ahaa mudane ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa ku nuux nuuxsaday sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee deriska ah.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan, sida amniga, horumarinta dhaqaalaha, iyo ganacsiga.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM