Dabley looga shakisan yahay Al-Shabaab oo "dishay" arday

Image

NAIROBI, Kenya - Weerar looga shakisan yahay in maleyshiyada hubeysan ee Al Shabaab ay ka geysatay gobolka Wajeer ee Kenya ayaa sababay dhimashada arday dhigata fasalka 7-aad ee dugsiga hoose ee Khorof Harar.

Sida laga soo xigtay K24, xubno ka tirsan kooxda gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa aroortii maanta weeraray guriga sarkaal ka tirsan amniga oo magaciisa lagu sheegay Nuur Jibriil kuna yaal ismaamulka Bariga Wajeer.

Jibriil oo degay saldhiga booliska kadib falkaas kana warbixiyay weerarka ayaa shaaca ka qaaday in kooxda weerarka soo qaaday ay gurigiisa ku tagen tiro aan la garaneyn iyagoo raadinaya halka uu ku sugan yahay. "Markii ay ku guul darreysteen inay i helaan, waxay bilaabeen toogasho dadka ku dhintay uu ku jiro wiilkeyga," ayuu hadalkiisa ku daray Nuur Jibriil.

"Anaga iyo saraakiisha kale ee NPR, waxaan ilaalo ka haynay Isbitaalka (Khorof Harar Hospital) markii kooxda Alshabaab looga shakisan yahay ay soo weerareen gurigeyga. Waxaan maqalnay dhawaqa rasaasta waxaana durba u dhaqaaqnay goobta. Nasiib darrose, markii aan halkaa gaarnay waa goor ay wiilkayga toogteen waana la waayey," ayuu ka dhawaajiyey Jibriil.

Aaska loo sameeyay wiilka ayaa loo dhigay gelinka dambe maanta iyadoo saraakiisha amniga ay sheegeen inay ku daba jiraan kooxihii weerarka soo qaaday. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maleyshiyadda hubeysan ee Al-Shabaab.

Dhacdo ka duwan tan oo sidoo kale galaaftay nolosha todoba arday, maalintii Jimcaha ee todobaadkii hore, shan sarkaal oo boolis ah ayaa lagu dhaawacay weerar ay dabley ka tirsan Al-Shabaab ku ekeeyeen Mandheera.

Sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay Miriam Muli oo ku hadlaysay magaca ku xigeenka taliyaha guud ee booliska, saraakiisha dhaawacantay waxay ku jireen roondo caadi ah si gaar ah xuduudka Mandheera iyo Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM