Dableydii fulisay dilkii Haacaaluu Hundeessaa oo la aqoonsaday

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Mas'uuliyiinta Itoobiya ayaa sheegay in ay qabteen laba ruux oo lagu tuhunsan yahay dilka fanaankii caanka ahaa ee geeridiisu banaanbaxyadda ka dhalisay waddankaas kuna dhinteen 166 qof.

Toogashada Haacaaluu Hundeessaa oo kasoo jeeda qowmiyada Oromada ayaa rabshado ka kicisey Addis Ababa iyo nawaaxiga gobolka Oromiya. Ra'iisul wasaare Abiy Axmed ayaa khaarijinta ku sifeeyay "fal dagaal sokeeye".

Iyaddoo telefishinka ku hadla afka dowladda kala hadleysay dadweynaha, Adanech Abebe, xeer-ilaaliyaha guud ee dalkaas, ayaa dilka ku eedeysay ururka Shene, oo ka goostay Jabhadda Xorreynta Oromada.

Sidda laga soo xigtay Adenech, labadda ruux ee gacanta lagu hayo waa khaariyihii iyo caawiyihiisa. Tilahun Yami iyo Abdi Alemayehou waa magacyadooda. Wareysiyo ay la yeesheen ciidamadda ayayna ku qirteen.

Balse, illaa iyo haatan, ma jirto wax dacwad ah oo lagu soo oogay labada eedeysane. Mana shaacin xeer-ilaaliyaha guud ee Itoobiya.

Haacaaluu Hundeessaa ayaa astaan u ahaa halganka ay Oromada ku raadinayeen in ay ku helaan metelaadooda saxda ah ee Ethiopia.

Hay'adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta waddankaas ayaa horey codsaday in si dhab ah loo baaro falkaan isla markaana ay cadaaladda wajahaan gacan ku dhiigleyaasha.

Itoobiya waa mid kamid ah wadamada hadii ay ka dhacaan mudaaharaadyo ay nolol galaaftaan, waxaana ugu wacan tirada dadka oo badan iyo dowladda oo lagu eedeeyo in ay gacan adag kaga hortagto dibad-baxayaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruushka oo Uganda siinaya taageero milatari oo dhan $53 milyan

Qalabkan ayaa la filayaa inuu sare u qaado awoodda ciidamada Uganda ee ilaalinta biyaha iyo ka jawaabista xaaladaha amni.

  • Afrika

    25-10-2026

  • 04:58AM

Dagaalka Moyale oo sii xoogeysanaya, kumannaan qofna u qaxey dalka Kenya

Si kastaba, saraakiisha gargaarku waxay ka digayaan in sahayda jirta aysan dabooli karin baahida sii kordheysa.

  • Afrika

    25-10-2026

  • 04:47AM