Dad ay ku jiraan muhaajiriin Soomaali ah oo lasoo badbaadiyey

Image
Warkan ayaa yimid todobaadyo uun kadib markii doon si xad dhaaf ah loo raray ay degtay xeebaha Giriiga.

NAIROBI, Kenya - Ciidamadda ilaalada xeebaha dalka Spain ayaa soo badbaadiyay 86 qof oo la socday dooni siday dad tahriibayaal ah oo la la’aa in ka badan muddo todobaad ka hor.

DOontan ayaa la sheegay in ay 70 nautical miles (130km) koonfur-galbeed kaga beeganeyd Jasiiradda Canary, waxaana la socday dad ka yimid dalalka Afrika oo Soomaaliya ku jirto.

Ilaalada xeebaha Spain ayaa waxaa lagu waramay in ay gacan ka heleen markab wadday konteenaro. Labada gaadiid badeed waxay hadda ku wajahan yihiin jasiiradda Gran Canaria.

Labo doonyood oo isku mid ah oo ay saarnaayeen tobanaan qof oo kale ayaa la sheegay in wali la la’yahay. Waxaa jira faahfaahin yar oo iyaga ku saabsan.

Walking Borders, oo ah koox ka shaqeysa gargaarka muhaajiriinta, ayaa BBC-da u sheegtay in mid ka mid ah ay saarnaayeen ilaa 65 qof, halka midka kalena uu gaarayo 60 qof.

Dadka la soo badbaadiyay ayaa waxaa la wariyay in ay isugu jiraan 80 rag ah iyo lix dumar ah. Ma cadda in dhammaan dadkii la socday doonida la badbaadiyay iyo in kale.

Warkan ayaa yimid todobaadyo uun kadib markii doon si xad dhaaf ah loo raray ay degtay xeebaha Giriiga, taas oo sababtey geeridii ugu xumayd ee ka dhacdey badda Mediterranean-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM