Dad careysan oo dilay nin lagu eedeeyay in uu caayay Nabi Maxamed
ABUJA, Nigeria - Nin Muslim ah oo ku nool Waqooyiga Nigeria ayaa waxaa dilay kooxo hubeysan kadib markii lagu eedeeyay inuu aflagaadeeyay diinta Islaamka, sidda ay ku warantey warbaahinta. Sheekadan ayaa si weyn u qabsatay ciwaanadda saxaafadda aduunka.
Usman Buda, oo kawaanle ka ahaa magaalada Sokoto, ayaa "waxaa soo weeraray qaar ka mid ah tobanaan Muslimiin ah [kuwaasoo] u geystay dhaawacyo halis ah", sidda laga soo xigtey afhayeenka booliiska gobolka Sokoto Ahmad Rufa'i.
"Markii ay booliisku goobta yimaadeen, kooxdii way baxsatay oo waxay ka tageen dhibbanaha isagoo miyir daboolan," ayuu hadalkiisa sii raaciyay, Premium Times
Mr Buda oo kalkii dambe geeriyoodey ayaa booliisku u qaaday daweyn markii ay u tageen si ay u badbaadiyaan balse dhimashadiisa ayaa la xaqiijiyay markii isbitaalka la dhigay.
Mas'uuliyiinta degaanka oo ay soo xigatay warbaahinta maxaliga ah kuwa caalamiga ah ee reer galbeedka ayaa hadda baadigoobaya dadkii lagu eedeeyay falkaasi.
Wakaalada wararka ee AFP ayaa ku warameysa in Mr Buda la dilay kadib markii ay murmeen caruur tuugo ah oo lacag weydiistay. Waxay soo xiganaysaa qof goob jooge ah oo sheegay in uu muran dhex maray labada dhinac kadib markii uu lacagta u diiday carruurta. Ka dib waxa uu ku dhawaaqay hadallo aflagaado ah oo uu ku sheegay Nebi Muxamed.
Muuqaal argagax leh oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya dad dhagxaan ku bartilmaameedsanaya nin kadib marka uu turunturooday isagoo isku-dayay in uu baxsado.
Isagoo arrintaas ka jawaabaya, guddoomiyaha gobolka Sokoto, Axmed Cali, ayaa wuxuu ugu baaqay shacabka gobolka inay isdejiyaan oo ay mar walba ilaaliyaan sharciga.
Axmed Cali oo sii hadlaya ayaa waxa uu intaas ku daray in dadku aysan sameynin wax awood u leh inay hoos u dhigaan shakhsiyadda Nebi Muxamed NNKH.
Bishii May ee sanadkii hore ayay ahayd markii gabar ardayad ah ay weerar ku qaadeen arday Muslimiin ah oo wax ka baranaysay kulliyadeeda oo ku taalla magaalada Sokoto, kuwaasi oo dilay kadibna meydkeeda la dhigay. Waxaa lagu eedeeyay inay cayday Nabi Maxamed.
GAROWE ONLINE