Dad ku dhintay diyaarad milatari oo ku burburtay Itoobiya
ADDIS ABABA - Ugu yaraan 18 qof oo 15 kamid ah ay yihiin Askar, halka Saddex kalena ay shacab yihiin ayaa lagu waramayaa inay ku dhinteen kadib markii diyaarad ay leeyihiin ciidamadda Itoobiya ay soo dhacday.
Diyaaradda oo ahayd nooca loo yaqaan Helicopter-ka ayaa waxay ku burburtay inta u dhexaysa Magaalooyinka Dire Dawa iyo Bishoftu, oo ku yaala Koonfur Bari ee caasimadda Addis Ababa.
Diyaaradda ayaa waxay saaka kasoo duushay Dire Dawa waxayna kusoo jeedeen magaalada Bushoftu, sida ay saraakiisha dalkaasi ay sheegeen.
Dadka ku dhintay shilkaan diyaaradeed waxaa Labo kamid ah ay ahaayeen caruur, kuwaasoo kamid ahaa Rakaabka diyaaradda oo kasoo duushay garoonka diyaaradaha ee Dire Dawa, xili ay Bishoftu kusii jeeday.
Aschalew Alemu oo ah sarkaal ka tirsan Booliska Itoobiya ayaa u sheegay Wakaaladda wararka ee dalka Itoobiya - Ethiopian News Agency - in shilkaan uu dhacay subaxnimadda maanta oo Khamiis ah.
Ma cadda sababta ka dambeysay inay soo dhacdo diyaaradda, laakiin Aschalew ayaa wuxuu daboolka ka qaaday inay wadaan baaritaan ku saabsan waxa sababay soo dhicitaanka diyaaradaan.
"Sababta wali baaris ayaa ku socota. Balse, shilka wuxuu dhacay subaxnimada saaka oo Khamiis ah. 18 qof oo saddex kamid ah Shacab ah, oo ay ku jiraan Labo caruur ah ayaa ku dhintay," ayuu yiri Aschalew.
Diyaaradda burburtay ayaa waxay kasoo duushay Magaaladda Dire Dawa, waxayna kusoo wajahneed Bishoftu oo ka tirsan gobolka Oromada ee dalka Itoobiya, kuwaasoo xiisado ay kala dhaxeyso Soomaalida Itoobiya.
GAROWE ONLINE