Dad ku dhintay qarax ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Kenya

Image
Waa qaraxii ugu horeeyay kadib in ka badan bil markii gobolka ka da'een roobab mahiigaan ah tan iyo bishii October.

NAIROBI, Kenya - Ugu yaraan afar qof ayaa waxa ay ku dhimatay labo kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax miino oo maanta ka dhacay degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Booliska ayaa sheegay in gaariga ay saarnaayeen dadka dhintay uu dulmaray miino la soo dhigay wadada isku xirta Dhadhaab iyo Gaarisa ee ismaamulka Gaarisa.

"Afarta qof ayaa dhintay, laba kalena dhaawacyo halis ah ayaa soo gaaray, kaddib markii gaari ay wateen uu qarax ku dulmaray meel u dhexeysa Egge Dam iyo Bogyar oo ku teedsan Dhadhaab-Garissa," ayay booliisku ku sheegeen warbixin.

Taliska Booliska ayaa sheegay in gaariga uu burbur xooggan soo gaaray, waxaana uu xusay in dadka dhaawacmay ay xaaladoodu aad u liidato loona qaadey isbitaal.

Sarkaal ay soo xigatay warbaahinta ayaa tibaaxay in la xoojiyay howlgallada lagu sugayo ammaanka si looga hortago weeraro kale oo ka dhaca gobolka oo xuduud la leh Soomaaliya.

Waa qaraxii ugu horeeyay kadib in ka badan bil kadib markii gobolka ka da'een roobab mahiigaan ah tan iyo bishii October xilligaas oo sidoo kale ay dhaceen qaraxyo lala xiriirinayo Al-Shabaab.

Gobolka Gaarisa ayaa ku yaalla xadka Soomaaliya iyo Kenya waxaana horey uga dhacay weerarro isdaba joog ah oo kaga imaanayay Al-Shabaab kuwaas oo ka dhashay khasaaro naf iyo maal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dabley hubeysan oo weerarro isku dubbaridan ka geystay caasimadda Mali iyo magaalooyin kale

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta caalamiga ah sida Al Jazeera ma aysan si madax-bannaan u xaqiijin sheegashadaas.

  • Afrika

    25-04-2026

  • 02:49PM

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM