Dad ku dhintey qarax ka dhacay caasimada Itoobiya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Laba qof ayaa ku dhimatay markii bam uu ku qarxay caasimada Itoobiya ee Addis Ababa galabnimadii Axada, sida ay warisay warbaahinta maxaliga ah ee waddankaas.

Sida laga soo xigtay booliska oo saxaafadda maxaliga ah ay kasoo xigatay in uu qoraal soo saarey, ugu yaraan hal qof ayaa si xun ugu dhaawacmay qaraxa.

Qaraxa wuxuu ka dhacay afaafka hore ee Xarunta Saadaasha Hawada ee Magaalada Lideta, oo u dhaw aag guryaha is-kaashatada ah oo ay degan yihiin tobanaan kun oo qof.

Taliyaha waaxda Dambi baarista Booliska Magaalada Lideta, Daniel Tafesse, ayaa xusay in qaraxa la maqlay waxyar kadib markii nin iyo labo haween ah lagu arkay goobta.

Sikastaba, booliska ma uusan shaacin magacyadda latuhmanayaasha. Dhacdada ka dib, saraakiisha ka hortagga walxaha qarxa ee booliska Addis Ababa ayaa u gurmaday goobta.

Booliska oo sheegay in bam kale laga helay jeebkiisa mid kamid ah dadka dhintay ayaa bilaabay baaritaano la xiriira dhacdada.

Dhowr dhacdo oo qaraxyo bambaano ah ayaa ka dhacay Addis Ababa iyo qaybaha kale ee wadanka tan iyo intii uu xukuumadda Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed uu hogaaminayo ay bilawday guluf militari oo ka dhan ah Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray 4-tii Noofambar ee sanadkii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM