Dad ku xayirmay Hotel la weeraray oo "la takooray"
JOHANNESBURG, South Africa - Kadib weeraro dhowr maalmood dhacay oo ay fallaagada Islaamiyiinta ah ku fulisay magaalada woqooyiga Mozambique ku taala ee Palma dhammaadkii bishii Maarso, shirkad uu millatariga Mozambique siisey qandaraas ayaa beenisay eedeymaha ah in ay ahmiyad siiyeen dadka caddaanka ah markii ay soo badbaadinayeen dad ku xayirmay Hotel.
Amnesty International ayaa waxay ku eedeysay Dyck Advisory Group in ay cadaanka ka doorbideen madowga markii ay dadka ka daad-gureynayeen hoteelka Amarula.
"Goobjoogayaashu waxay noo sheegeen midab takoor ah uu qeyb ka ahaa go'aannada ku saabsan cidda laga rarayo Hotelka Amarula," ayuu yiri Deprose Muchena, oo ah agaasimaha Amnesty International ee bariga iyo koonfurta Afrika.
Deprose Muchena oo ku baaqay baaritaan deg-deg ah si loo hubiyo sheegashooyinka ayaa wuxuu intaas ku daray in ciidamadda Mozambique ay dayaceen kaalinta kaga aadaneyd xaqiijinta in dhibaneyaasha ay gargaarka u helaan si siman.
Hase ahaatee, Dyck Advisory Group ayaa Jimcaha todobaadkii hore waxay sheegtay in diyaaradohooda qumaatiga u kaca ay 24 qof ka soo badbaadiyeen hoteelka, oo lix ka mid ahi ay ahaayeen caddaan iyo 18 kale oo Madow ahaa.
Sida laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay kooxda DAG, waajibaadkoodu ma uusan ahayn in ay kala doortaan dadka, waxaana kaliya ay sugeen ammaanka goobta ayaga oo shaqaalahooda ay ku adeegeen "xirfadda ugu wanaagsan".
"Inta badan dadkii aan soo badbaadinay 10-kii maalmood ee aan howlgalka ka wadnay Palma, waxay ahaayeen muwaadiniin reer Mozambique ah. Runtii 240-ka qof ee aan ku helnay badbaadada jasiiradda Afungi kaliya 12 ayaa caddaan ahaa, laba ka mid ahna waxay ahaayeen meydadka aan soo qaadnay si loogu celiyo qoysaskooda," ayaa lagu yiri qoraalka oo saxaafadda lala wadaagay.
Bayaanka ayaa la raaciyey: "Waxaan u taagan nahay waajibaadkayaga xuquuqda aadanaha sida ku lifaaqan siyaasadaha shirkadeena waana ku faraxsanahay kooxdeena iyo dadaalladii ay sameeyeen intii lagu jiray weerarkan si ay u taageeraan una badbaadiyaan dad badan oo rayid ah oo ku xayiran bartamaha dagaalka, tani waxay ahayd mid lagu sameeyay qatar weyn oo shaqsiyeed".
Warbixin ay soo saartay horaantii sanadkan, Amnesty International waxay ku eedeysay boqolaal rayid ah oo ku nool Cabo Delgado inay si sharci daro ah u dileen falaagada xagjirka ah, ciidamada amaanka dowlada iyo kooxda la talinta ee Dyck. Hay'ada Amnesty ayaa ku baaqday in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo dilalkan, iyadoo tibaaxdey in laga yaabo in ay noqon karaan "dambiyo dagaal".
Kooxda Dyck ayaa xustey inay diyaarinayso warbixin ay kaga hortageyso eedeymaha Amnesty ee ah inay ku kacday xadgudubyo liddi ku ah xuquuqda aadanaha oo ka dhan ah dadka rayidka ah ee Mozambique iyadoo ay heshiis la gashay dowladda oo dhankeeda wajaheysa cadaadis kaga imaanaya gudaha oo ah in ay la tacaasho mitidiinta xiriirka la leh ISIL ee dalkaas looga yaqaano Al-Shabaab.
GAROWE ONLINE