Dad loo xiray dilkii uu ka badbaadey ra'iisul wasaaraha Suudaan

Image

KHARTUUM, Suudaan – Mas'uuliyiinta Sudan ayaa maanta oo Talaado ah shaaciyey in tirro dad ah loo xiray isku daygii dil ee uu shalay ka badbaadey ra'iisul wasaare Cabdalla Xamduuk.

Xamduuk, dhaqaalayahan 64-sano jir ah, ayaa la beegsaday isagoo kusii jeeda xafiiskiisa. Qoraal uu soo dhigay baraha bulshadda wuxuu ku sheegay in uu caafimaad qabo.

Warbaahinta dowlada ayaa warisay in qarax miino iyo rasaas lala eegtay kolanyadda Cabdalla Xamduuk, balse aysan ka dhalan khasaaro.

Guddoomiyaha Khartuum, Axmed Cabdoon, ayaa u sheegay warbaahinta in dadka laga shakisan yahay ee lasoo xiray loo diri doono baaritaano dheeraad ah kadibna la maxkamadeyn doono.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas, wallow lagu eedeeyay "urur argagixiso ah" oo aan la carabaabin.

Dacwad-oogaha guud ee Suudaan, Taj al-Ser Ali al-Hebr, ayaa war-saxaafadeed ku xusay in ay baaritaano horudhac ah ku ogaadeen "in weerarka loo naqshadeeyay qaab xirfadeysan".

Golaha Amniga iyo Gaashaandhiga Suudaan oo shir degdeg ah yeeshay ayaa "saaxiibada" caalamka waydiistay in laga taageero baaritaanka falkaas.

Weerarkaas ayaa kusoo hagaagay iyadoo dalka uu hiigsanayo in uu kasoo kabto kala qeybsanaantii ka dhalatay inqilaabkii lagu riday Cumar Xasan Al-Bashiir oo dhaliyey dowlad rayid ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM