Dad loo xiray weerarkii Masaajida ee waddanka Itoobiya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Laamaha ammaanka ismaamulka Amxaarada ee hoostaga dalka Itoobiya ayaa shaaciyey in shan qof loo xiray weerarkii Masaajida ee magaaladda Motta.

Getnet Yirsaw, afhayeenka dowlad gobolkaas, ayaa sheegay in shaqsiyaadka gacantooda ku jira ay baaritaan ku bilaabeen.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayuu ku caddeeyay in baaritaanka kadib maxkamad lasoo taagayo.

Ugu yaraan laba Masjid ayaa la gubay, laba kelana waa la burburiyey kadib weerar ay koox dad ah ay ku qaadeen Jimcadii.

Weerarka Masjidka ayaa yimid saacado kadib markii dab uu ka kacay Kaniisad caan ka ah magaaladaas ay ku badan yihiin dadka kala Diimaha ah.

Abiy Axmed oo qulqulatooyinkan ku qeexay "isku dayo xagjiriinta ku doonayaan in ay ku wiiqaan dhaqanka Itoobiya" ayaa shacabka waydiistay in ay meel uga soo wada jeestaan.

Madax, siyaasiyiin, urur iyo dadweyne ayaa si wadajir ah carro uga muujiyey weerarka Masjidka iyo mehradaha ganacsiga ee Muslimiinta ku nool magaaladda Motta ee Amxaaradda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya iyo Ruushka oo heshiis ka gaaray joojinta qorista muwaadiniinta Kenya ee ciidamada Ruushka

Heshiiskan ayaa imanaya iyadoo Kenya ay walaac ka muujisay wararka sheegaya in muwaadiniinteeda lagu qortay ciidamada Ruushka.

  • Afrika

    31-10-2026

  • 05:16AM

Itoobiya oo si degdeg ah u soo iibsatay diyaarado dagaal xilli ay ka cabsi qabto weerarro dibadeed

Nidaamka difaaca cirka ee S-400 ayaa isna loogu talagalay inuu ogaado oo ka hortago diyaaradaha iyo gantaallada cadowga ee hawada ku jira.

  • Afrika

    29-10-2026

  • 06:56AM