Dadka isku dayey in ay boobaan booyad shidaal oo qarax ku dhintay

Image

DAR ES SALAAM, Tanzania – Ku dhowaad 60 ruux ayaa ku geeriyootay kadib qarax ka dhacay Tanzania, maanta oo Sabti ah, sidda uu sheegay booliska.

Qaraxa oo dhawaqiisa aad loo maqlay ayaa waxaa lagu waramayaa in uu ka dhashay dab qabsaday booyad shidaal.

Sawirro lagu faafiyey baraha bulashadda ayaa waxay muujinayaan burburka booyadda iyo meydad wadada yaala.

Saraakiisha caafimaadka ayaa waxaa laga soo xigtay in khasaaraha dhimashadda ay kordhi karto, maadaama ay jiraan dhaawacyo khatar ah.

Warar aan la xaqiijin ayaa waxay tibaaxaya in dadka dhintay ay isku dayayeen inay boobaan shidaalka saarnaa gaariga, kaasoo rogmaday.

Dhacdadan argagaxa leh ayaa waxaa laga soo wariyey Morogoro oo 200 KM dhanka Galbeedka uga aadan magaalada dekadda leh ee Dar es Salaam.

Morogoro oo sidoo kale ah xarunta ganacsiga ee dalkan dhaca bariga Afrika ayaa ah marinka ugu weyn ee gaadiidka xamuulka iyo kuwa shidaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM