Dal ku yaalla Afrika oo baabi'inaya ciqaabta dilka toogashada

Image
Golaha Wasiirada waddankan ayaa meelmariyay in dib-u-eegis lagu sameeyay sharciyada xeerinaya arrinkan.

LUSAKA, Zambia - Zambia ayaa ku dhawaaqday in Golaheeda Wasiirada ay ansixiyeen in dib u eegis lagu sameeyo xeerarka ciqaabta iyo dembiyada si meesha looga saaro ciqaabta dilka ah.

"Waxaan bilownay hannaanka dib-u-eegista labada sharci iyo baabi'inta ciqaabta dilka si loo ilaaliyo xurmada nolosha aadanaha," ayuu yiri wasiirka cadaaladda Mulambo Haimbe intii lagu guda jiray dabaaldegga xuska sannad-guurada 20-aad ee maalinta caalamiga ah ee ciqaabta dilka ee Lusaka, caasimadda.

Madaxweyne Hakainde Hichilema ayaa bishii May waxa uu ku dhawaaqay qorshayaal ay Xukuumadiisa oo xilka haysay muddo sanad ah, ay ku qaadayso tillaabadaasi calaamad u ah ka hortagga jidh-dilka bini’aadamka.

Sida laga soo xigtay Amnesty International, 257 qof ayaa Zambia lagu xukumay xukun dil ah dhamaadkii 2021-kii, laakiin dalka Koonfur Afrika ayaa markii ugu dambeysay uu xukun dil ah ku fuliyay 1997-kii.

Tan iyo sanadkaas, ma jiro madaxweyne Zambian ah oo saxiixay amar dil toogasho ah.

Mudford Mwandenga, oo ah guddoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka ee Zambia, ayaa soo dhaweeyay go'aanka uu gobolka ku baabi'inayo ciqaabta dilka, isagoo ku tilmaamay sharciga mid jir dil ah oo naxariis daran.

Isuduwaha Qaramada Midoobay ee Zambia Beatrice Mutali ayaa ku boorisay dalka in uu wax ka bedelo falalka difaaca iyo xeerarka militariga si meesha looga saaro qodobada ciqaabta dilka ah ee ku jira qawaaniinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynihii hore ee Congo Kabila oo sameystay isbahaysi cusub oo beddelaya M23

Isbahaysigan ayaa Isniintii lagu dhawaaqay magaalada Goma ee bariga Congo, oo ay kooxda M23 gacanta ku dhigtay bishii Janaayo 2025.

  • Afrika

    13-10-2026

  • 07:45AM

Ugu yaraan 139 muhaajiriin ah oo 15 carruur ku jiraan oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Jabuuti

Jimcihii, waxaa la helay meydadka 52 nin, 42 haween ah, sagaal gabdhood iyo lix wiil. Axaddii, waxaa la soo helay 30 meyd oo kale.

  • Afrika

    11-10-2026

  • 08:51PM