Dal uga baxay IGAD faragelin Soomaaliya oo kusoo laabanaya Ururka
ADDIS ABABA - Dowladda Eritrea ayaa la rajeynayaa inay dib ugu soo laabtay Urur goboleedka IGAD kadib heshiiskii ay kala saxiixdeen Eithiopia, kaasoo ay kusoo afjareen colaado wax ka badan 20 sano ka dhaxeysay.
Ra'iisul Wasaaraha Eithiopia, Abiy Axmed iyo Xoghayaha fulinta ee IGAD, Maxbuub Macalin ayaa ku saxiixnaa warqad kasoo baxday Urur goboleedka IGAD, oo ay dalalka Geeska Afrika ku mideysan yihiin.
Warqad qoraal ah oo kasoo baxday Xogyaha IGAD, ayaa lagu sheegay inay filayaan in Eritrea ay dib ugu soo noqoto xubin-nimadeeda Ururka, islamarkaana ay qaadato doorkeedii nabada iyo horumarka gobolka.
Bayaanka ayaa sidoo kale, waxaa lagu soo dhaweeyay talaabadda ay qaadeen madaxda Eithiopia iyo Eritrea, taasoo ah inay soo afjaraan colaadda ka dhaxeysa in ka badan 20 sano iyo soo celinta xiriirkooda diblumaasiyadeed.
Eritrea ayaa ku dhawaaqday inay hakisay xubinmadeena Ururka bishii April ee sanadkii 2007-kii, iyadoo sabab uga dhigtay in Eithiopia ay faragelin ku hayso xaaladda Soomaaliya, taasoo keentay inay labada dal isku dhacaan.
Sikastaba, dowladda Eritrea wali wax jawaab ah kama bixin warqada kasoo baxday IGAD, balse ay Asmara tani u tahay fursad ay mudo raadinaysay, oo ay doonaysay inay dib u hesho xubinimadeeda.
Eritrea ayaa mudo dheer saarnayd cunaqabateyn ay Gollaha Amaanka ee QM ay kusoo rogeen kadib markii lagu eedeeyay inay hub iyo taageero siiso dhinacyadii isku hayay siyaasadda Soomaaliya.
HOOS KA AKHRI QORAALKA IGAD:
GAROWE ONLINE