Dalabkii Abiy ee dhexdhexaadinta Soomaaliya oo "darbi ku dhacay"
ADDIS ABABA, Ethiopia – Ra'iisul wasaare Abiy Axmed waxaa hortaala buur ay tahay in uu ka dul-boodo si uu ugu guuleysto dhexdhexaadinta Soomaaliya iyo Somaliland, sidda uu qoray wargeyska The East African.
Dalab yimid asbuucii hore, oo ahaa in Abiy oo uu wehliyo madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay ka degaan Hargeysa, caasimada Somaliland, waxaa diidey Muuse Biixi Cabdi.
Madaxweyne Biixi ayaa ganafka ku dhuftay soo jeedinta Farmaajo, inkastoo uu aqbalay raalligelinta uu ka bixiyey xasuuqii ay dowladdii Siyaad Barre ka geysatay goboladda Waqooyi.
Muuse ayaa sheegay in cudurdaarka uu yimid "xiligii loo baahnaa" balse wuxuu Talaadadii u sheegay baarlamaanka maamulkiisa in booqashadda ay Farmaajo iyo Abiy ay u arkeen "mid jees-jees ah".
Abiy ayaa diidmada furan kaga falceliyey in uu wafdi sarre u diray Hargeysa. Balse, talaabadaas waxay "sii kala fogeysay dhinacyada".
"Booqasho uu Farmaajo ku yimaado Somaliland waa riyo-maalmeed iyo howlgal aan suurtagal ahayn," sidaas waxaa yiri Liibaan Yuusuf Cusmaan, wasiir ku xigeenka arrimaha dibada maamulka Biix.
Isagoo adeegsanaya baraha bulshadda, wuxuu raaciyey: "Xukuumadda Somaliland waxaa ka go'an in ay difaacato madax-banaanida iyo sharafta dhulkeeda".
Rashid Cabdi, falanqeeye Geeska Afrika, oo ku doodey in dhaqaaqa wasiirka koowaad ee Addis Ababa uu xal noqon karo, ayaase tibaaxay in uu Abiy talaabo qaldan u maray qadiyadda xasaanadda leh.
"Maamulka Itoobiya si dhab ah ugama war-hayo xiriirka Soomaaliya iyo Somaliland. Taas waxaa caddeysay talaabooyinka todobaadkii hore, labadooda uma cad-cad, waqti xaadirkaan, in ay yeeshaan wadahadalo toos ah, iyaddoo aysan jirin dhex-dhexaadin, si gaar ah Geeska Afrika," ayuu yiri.
Wuxuu Twitter-ka kusoo qoray: "Aniga waxaan aaminsanahay in diblumaasiyadda ra'iisul wasaare Abiy ay socod-boobsiineyso, waxayna abuureysaa xiisado. Addis waa waajib in ay dib u yara degto".
Somaliland, oo gooni u goosad ah tan iyo 1991-dii xiligaas oo ay shaacisay in ay ka go'dey Soomaaliya inteeda kale, ayaan wali aqoonsi ka helin caalamka, oo arka maamul hoostaga Muqdisho.
Mucaaradka oo naqdiyey booqashada "qorshe la'aanta ah" ee Farmaajo iyo Abiy "jecleysteen" in ay ku tagaan Hargeysa ayaa ku qeexay "olole ay ku doonayaan in ay ku galaan doorashooyinka kusoo fool leh labadooda".
GAROWE ONLINE