Dalkii ugu horeeyay Afrikaan ah oo ka adkaaday safmarka Covid-19

Image

PORT LOUIS, Mauritius – Mauritius ayaa noqdey waddankii ugu horeeyay ee ku yaala qaarada Afrika oo si dhaba uga adkaaday musiibada dunida heeganka culus gelisay ee Coronavirus loona garan og-yahay Covid-19.

Bishii April 27-deeda sanadkan 2020 ayaa la diiwaan-geliyey dhimashadii ugu dambeysay ee la xiriirta fayruskaan kasoo bilowday China.

Sirta ka dambeysa in Jaziiradan dhacda Badweynta Hindiya ay ka takhalusto cudurka ayaa ah; dowlad dhexe oo xoogan, nidaam caafimaad ee loo maalgeliyey, istaraatiijiyad ku dhisan xakameyn iyo baaritaan badan.

Intaas waxaa wehlisa, dabagalka xiriirada bukaanadda uu soo ritay xanuunka iyo talaabooyin laga baaraan degay oo go'doomin ah.

Si aysan u gaabin, dowladda ayaa gunnooyin bile ah oo dhan $15.1 milyan u qoondeysay howlwadeenadda xarumaha caafimaadka.

Kiiska laga xaqiijiyey gudaha Jaziiraddan ayaa gaarey 344, waxaana kasoo bogsaday 334, iyaddoo ay u geeriyoodeen tobban ruux.

Xukuumadda Port Louis ayaa haatan ka baaraan-dageysa waqtiga qaadeyso xayiraadaha iyo dadka loo ogolaan doono in ay waddanka soo galaan maadaama dalxiiska uu yahay isha ugu balaaran ee dakhliga dowladda.

Hay'adda caafimaadka aduunka WHO oo xaqiijisay guusha ay Mauritius ka gaartay la dagaalanka Covid19 ayaa ku boorisay in taxadar dheeriya.

Iyaddoo labintaas ay tahay wax mudan in loo dabaaldego, haddana Mauritius ayaa kala siman wadamo badan oo caalamka ah burbur dhaqaale oo caabuqa sababay, waxaana dal walba ka fekerayaa soo kabasho fiican.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM