Dameer lagu eedeeyay shilkii diyaaradeed ee ka dhacay Beledwayne

Image

NAIROBI, Kenya – Maareeyaha guud ee diyaaradii shalay ku burburtay garoonka diyaaradaha Beledwayne ayaa wuxuu sheegay in shilkaas uu sabab u ahaa Dameer kadib markii uu soo galay dhabaha xilli ay soo dageysay.

Kabtan Xuseen Maxamed oo u waramay mareegga Kenyans.co.ke ayaa ka warbixiyey dhacdooyinkii sababay shilkaas aysan cidna wax ku noqon marka laga reebo khasaaro maaliyadeed oo ah burburka diyaarada.

Duulimaadkan oo ka yimid Jabuuti ayaa shixnad isugu jirta gargaar iyo sahay wuxuu u wadday ciidamadda AMISOM iyo shacabka gobolka Hiiraan, waxaana ku deeqay dowladaha Mareykanka iyo Jabuuti.

"Mid kamid ah diyaaradaheena ayaa ku burburay Soomaaliya, waxaana ay cunto u wadday ciidamadda AMISOM ee ku sugan Beledwayne, Soomaaliya, halkaasoo cutubyadda Jabuuti xarun u ah," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Diyaaradda waxay aroortii hore kasoo baxday Jabuuti; iyaddoo soo dageysa waxaa dhabaha cagadhigashada soo maray Dameer oo ay ku dhaceen; taas waxay sababtay in ay dhabaha ka leexdaan, balse dhamaan shaqaalihii la socday waa ay caafimaad-qabaan".

Maxamed ayaa xusay in shaqaalaha caafimaadka oo ka boodey diyaaradda lagu hubiyey caafimaadkooda Isbitaal ku dhex-yaala garoonka, kaasoo ay gacanta ku hayaan ciidanka Jabuuti.

"Diyaarad nooca qumaatiga u kacda oo ay leedahay Qaramada Midoobay ayaa loosoo diray si ay ugu sii qaado caasimada Soomaaliya ee Muqdisho," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Xuseen Maxamed.

Sikastaba ha ahaatee, Diyaaraddan burburtay oo ay lahayd shirkadda Bluebird Aviation taasoo fadhigeedu yahay caasimada Kenya ee Nairobi ayaa lagu sameeyay Australia, waana nooca loo yaqaano Dash 8-400 PF

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruushka oo Uganda siinaya taageero milatari oo dhan $53 milyan

Qalabkan ayaa la filayaa inuu sare u qaado awoodda ciidamada Uganda ee ilaalinta biyaha iyo ka jawaabista xaaladaha amni.

  • Afrika

    25-10-2026

  • 04:58AM

Dagaalka Moyale oo sii xoogeysanaya, kumannaan qofna u qaxey dalka Kenya

Si kastaba, saraakiisha gargaarku waxay ka digayaan in sahayda jirta aysan dabooli karin baahida sii kordheysa.

  • Afrika

    25-10-2026

  • 04:47AM