Deeq cunto ah oo Kenyatta ugu yaboohay Masaajido oo la leexsaday
NAIROBI, Kenya – Jahwareer ayaa ka taagan hay’addaha dowlada Kenya markii deeq raashiin ah oo aad u badan oo uu madaxweyne Uhuru Kenyatta ugu yaboohay bulshada Muslimiinta la waayey Khamiistii.
Kenyatta ayaa tabarucaada uu bixiyey waxay gaareysaa 820 loor oo badar ah iyo 180 kartoon oo saliida karis ah bale waxaa kaliya la bixiyey 400 loor oo badar ah iyo 50 kartoon oo saliid ah.
Madaxtooyadda ayaa xaqiijisay deeqda madaxweynaha balse door dambe ayey soo if-baxday in gargaarka qeyb badan oo kamid ah la leex-saday aysana gaarin goobta loo qorsheeyay.
"Madaxweynuhu wuxuu deeqda, oo koobneyd 480 loor oo bariis ah, 340 loor oo digir ah, 190 kartoon oo Saliid ah, uu ugu talogalay 13 Masjid oo ku yaala Nairobi," ayey tiri madaxtooyadda, 30-kii May.
Agaasimaha Barnaamijyada Gaarka ah oo ku saxiixnaa rasiidhada ayaa ayaa wuxuu sheegay in kaliya 200 loor oo bariis ah, 200 loor oo digir ah iyo 50 kartoon oo Saliid ah lagu daabulay laba gaari.
Sidda laga soo xigtay warbixin uu daabacay joornaalka The Standard, gaari koowaad waxa uu siday 100 kartoon oo dirig ah, 100 loor oo bariis ah iyo 50 kartoon oo Saliid ah, kuwaasi oo lagu qaaday 24 konteenar.
Baabuurka labaad ayaa waxaa ku rarnaa 100 loor oo bariis ah, 100 loor oo digir ah, mana saarneen wax Saliid ah, sidda uu qoray wargeyskaasi oo kamida kuwa ugu afka dheer Kenya.
Wadaad kamid ah culumadii madaxtooyadda kula soo wareegtay deeqdaasi ayaa sheegay in ay layaab ku noqotay in kala bar taburacaada madaxweynaha ay haatan tahay mid maqan, ayna helayn qeyb yar.
Aqalka looga arimiyo Kenya oo iska fogeeyay in uu ka war hayo leex-sashadaasi ayaa wacad ku maray in uu sameyn doono baaris ku saabsan halka loo musuq-maasuqa raashinkaasi.
"Kaliya waxaan ognahay in la bixiyey deeqda, waajibkuna ahaa in meesha loogu talogalay la geeyo. Hadii ay arrintaasi jirto waxaan qaadi doonaa baaritaan runta lagu ogaanayo," ayuu yiri Kanze Dena, afhayeenka madaxtooyada.
Kiisaska wax is-dabamarin oo maamulka Kenyatta balanqaadey in uu wax ka qaban doono balse aysan natiijo fiican muuqan ayaa caadi ka ah Kenya waxaana uu kusii baahayaan illaa iyo madaxtooyadda.
GAROWE ONLINE