DF oo "qorsheyneysa canshuur kordhin ka dhan ah" Khaadka Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in ay canshuurta ku kordhineyso Khaadka ka yimaada Kenya, sidda ay shaaca ka dhigeen ganacsatadda noloshooda ka maareeya maandooriyahaas.

Kimathi Munjuri, gudoomiyaha ururka ganacstaada Khaadka miraha keymaha Nyambene ee Kenya oo u waramay wargeyska Daily Nation, ayaa muujiyey in ay ka xun yihiin talaabadaas.

"Waxaan heleynaa macluumaad ku saabsan in Muqdisho qorsheyneyso canshuur kordhin la dhan ah khaadka Miraha kuna canshuurto $5 halkii kilo, tani waxay sababeysaa in macaamiisha aysan gaarin. Ma jirto wax wadahadalo ah oo aan arrintaan kala yeelanay Muqdisho," ayuu raaciyey.

Dhanka kale, isagoo aan shaacin waqtiga, Mr Munjuri ayaa xaqiijiyey in dowladda Soomaaliya ay dib u celisay diyaarad Khaad sidda kuna sii jeeday degaanada Puntland. Waa duulimaadkii labaad mudda bil gudaheeda ah.

"Diyaaradda waxay soo gashay hawada Jabuuti kadib markii ay soo martay Itoobiya, waxayna diyaar u ahayd in ay ka degto Puntland," ayuu yiri, isagoo u muuqda mid qiraya in aysan diyaaradu soo gelin hawada Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayuu ku dhaliilay in aysan waxba ka qaban cabashooyinka dhowr ah oo ku aadan in ay dhigeeda Soomaaliya la hadasho maadaama joojinta Khaadka ay saameyn dhaqaale kala kulmeen.

Si gaar ah wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayuu ku dhaleeceeyay in ay xalin weyday suuq-xirinka kaga soo foodsaarey dhanka Somaliland.

Ololaha liddiga ku ah Khaadka Soomaaliya kaga yimaada Kenya ayaa duulimaadyadda ay hakisay dowladda Soomaaliya, sabab la xiriirta xakameynta caabuqa dilaaga ah ee Coronavirus.

Sidda ay warbixinadda xusayaan, Kenya ayaa maalintii Soomaaliya u soo dhoofisa 50 tan oo maandooriyahaan ah, iyaddoo ka sameysa aduun lacageed dhan 232-kun oo Doollar, mana jirto wax bedel ah oo ay qaadato.

Muqdisho iyo Nairobi oo ay dhextaalo xiisad siyaasadeed iyo mid diblumaasiyadeed oo ka dhalatay dacwadda badda iyo doorashadii Jubbaland ayaa dhowr jeer wadahadlay, balse ma noqon miradhal.

Sikastaba, mas'uuliyiinta Soomaaliya ayaa horey ugu eedeeyay diyaaradaha Kenya in ay ku xadgudbeen xayiraadaha loosoo rogay Covid-19 isla markaana ay qaab khiyaano ah dalka kusoo geliyeen maandooriyaha Khaadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Paul Kagame: Madaxda Afrika waxay lacagta shacabka ku maalgeliyaan dalal shisheeye

Hadalka Kagame ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac ballaaran oo laga muujinayo musuqmaasuqa ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika.

  • Afrika

    27-04-2025

  • 11:31AM

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM