Kenya oo loo jawaabey: Kiiska badda daciif ma ahan, ICJ baana xukmineysa

Image

NAIROBI, Kenya – Xili Kenya ay karaar-siisay talaabooyinkeeda ay ku dooneyso in dacwadda badda lagu xaliyo wada hadal ayaa haddana Soomaaliya waxay joogteysay jawaabaha aan hadalka dhaafsiisaneen.

Todobaadkii hore, Monica Juma, wasiirka arrimaha dibadda Kenya ayaa gal-dacwadeedka kala dhaxeeya Soomaaliya ku tilmaamtay "mid daciif ah" kadib markii la waydiiyey in uu yahay mid "xoog badan".

"Waxaa jirta sheeko la isugu sheekeeyay oo ah in Soomaaliya ay haysato dacwad xoog badan. Balse annaga waxaan haysanaa kiis dhan kasta ka xoogan balse ma doonaya in aan ka hor-dhaco go’aanka maxkamada," ayay tiri.

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa siyaabo kala duwan hadalkaasi uga hadlay. Qaar baa ku tilmaamay "is-daafacid" halka kuwa ay ku sheegen "yasitaan".

Hasa ahaatee wasiirka Xiriirka Caalamka ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa waxa uu "ku qoslay" markii la waydiiyey hadalka kasoo yeeray dhigiisa wadanka ay ciidamadiisu kamid yihiin howlgalka AMISOM.

"Malaha iyadday la tahay," ayuu ku bilaabay. "Hadii uu xoogan yahay ama uu daciif ah yahay, maxkamadda ayaa go’aan ka gaari doonta," ayuu hadalkiisa kusii daray diblumaasiga ugu sareeya Soomaaliya.

Hadaladan ayaa waxay hawada isu mariyeen labada wasiir wareysi gaar ah oo ay siiyeen muuqaal-baahiyaha BBC-da oo ah warbaahinta hoostagta dowladda Ingiriiska oo labada dal soo gumeysatay.

Waraf isu lulashada labada dowladood ee deriska ah oo salka ku haysa goob badkeeda lagu sheegay 100 kilometer oo hodan ku ah kheyraad badan ayaa waxaa go’aan ka gaareysa Maxkamada Cadaaladda Aduunka.

Iyadda oo heer gabagabo ah ay mareyso dacwadda, mid kamid ah dhageysiga ugu dambeeya waxaa loo muddeeyay bisha September ee sanadkan 2019, halkaasi oo labada dowladood ay doodooda kusoo bandhigi doonan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM