Carro ka dhalatay dalab ku aadan in Afrika lagu tijaabiyo talaalka Corona

Image

PARIS, France – Laba dhakhtar Faransiis ah ayaa waxaa lagu eedeeyay heeb-sooc kadib markii ay soo jeediyeen in talaalka fayruska Corona marka hore lagu tijaabiyo dadka ku nool qaaradda hodanka ah ee Afrika.

Hadaladaas ayay ka sheegeen telefishinka laga leeyahay France ee LCI, kaas oo qabtay dood ku saabsan qaabka loo tijaabinayo talaalka looga hortagayo faafitaanka cudurkaas.

Aragtida miiska saarneyd ayaa ahayd in marka hore lagu tijaabiyo dadka ku dhaqan Yurub ama Australia, hase ahaatee, Jean-Paul Mira iyo Camille Locht waa ay dhinac mareen qodobkaas.

Jean-Paul Mira oo madax ka ah qeybta gurmadka deg-dega ah ee Isbitaalka Cochin ee ku yaala caasimadda Paris ayaa doodiisa sal uga dhigay in dadka Afrikaanka ah "aysan is-daryeelin".

Camille Locht oo ah agaasimaha cilmi-baarisyada machadka caafimaadka Faransiiska, ayaa si weyn u xoojiyey dooda saaxibkii Jean-Paul.

Falcelinta

Siyaasiyiin, shaqsiyaad caan ah iyo dadweyne ayaa weerar afka ah ku qaadey labada dhakhtar, kuwaas oo fadeexad dhexda ka galay, waxaana cod dheer looga dalbaday in ay raali-gelin furan bixiyaan.

Didier Drogba, ciyaaryahanka heerka caalami ee qaranka Ivory Coast isla markaana u soo dheelay naadiga Chelsea, ayaa hogaaminaya dadka caanka ah ee sida weyn u naqdiyey "aragtidaas gurcan".

"Afrika ma ahan sheybaarka tijaabada," ayuu kusoo qoray Twitter-ka. "Waxaan si adag u cambaareynayaa erayadaas faquuqa ah".

Olivier Faure, mid kamid ah siyaasiyiinta ugu afka dheer Faransiiska kana tirsan xisbiga shuuciga ah, ayaa diidmo xoogan muujiyey.

"Ma ahan wax laga caroodo, waa cunsurinimo," ayuu isla Twitter-ka kusoo qoray. "Afrika ma ahan sheybaarka Yurub. Afrika ma ahan dooliyaal [jiir]," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay siyaasiga.

Soo saaritaanka talaalka lagu daaweeyo Covid-19 oo ay ku tartamayaan shirkado iyo xarumo caafimaad oo tirro badan ayaa ah wax ay aad ugu dheg-raaricinayaa dadyowga caalamka ee uu baqdinta geliyey cudurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweenay Itoobiyaan ah oo 12 sano sugaysay ubad ayaa dhashay shan mataano ah

Bedriya ayaa sheegtay inay farxad weyn dareemayso kadib sannado badan oo ay la daalaa dhacaysay sugitaanka ubad.

  • Afrika

    08-05-2026

  • 07:15PM

Madaxweyne Salva Kiir oo Eryay Taliyihii Ciidanka iyo Wasiirkii Maaliyadda

Dalkan oo ah midka ugu da'da yar Afrika, ayaa tan iyo iyo markii ka go'ay Sudan wuxuu lugaha kula jiraa dagaalo.

  • Afrika

    07-05-2026

  • 08:29PM