Dhalinyaro "dishay" nin ay ku eedeeyeen in uu qabo Coronavirus

Image

NAIROBI, Kenya – Koox dhalinyaro ah ayaa lagu waramay in Arbacada maanta ah ay degaanka Kibundani ee ismaamul goboleedka Kwale ay ku dileen nin ay ku eedeeyeen in uu qabo Coronavirus.

Wargeyska afka dheer ee Daily Nation ayaa shaaciyey in illaa iyo haatan aysan jirin cid loosoo qabtay falkaas. Ma cadda waxa dhexmaray da'yarta iyo ruuxa dhintay kahor inta weerarka.

Taliska ciidamada Booliska maamul goboleedkaas oo si kooban uga hadlay dhacdadaas ayaa ku adkeystay in ay baarayaan kiiskaas.

Tan iyo markii la xaqiijiyey kiiskii koowaad, dadweynaha Kenya ayaa "feejigan", iyadoo la mamnuucay isu-imaatinka iyo duulimaadyada caalamiga ah, waxaana dadka lagu booriyey nadaafada.

Dhanka kale, wasiirka caafimaadka ayaa shaaca ka qaadey in ay korodhay tirada kiisaska caabuqaas oo ay si rasmi ah u xaqiijiyeen.

Mutahi Kagwe ayaa saxaafada maxaliga ah u sheegay in maanta ay hubiyeen saddex kiis kale oo cusub, taas oo tirada guud ka dhigeysa todoba.

Bukaanada cusub, oo lala tacaalayo xaaladiisa caafimaad, ayaa u dhashay waddanka Burundi, sidda uu baahiyey jaraa'idka Daily Star.

Sikastaba, muwaadiniinta Kenyaanka ah ee ka imaanaya dibadda ayaa garoomada diyaaradaha ku saxiixaya warqad sharci ah, taasoo ay ku balanqaadayaan in ay geli doonan is-karan-tiilid shaqsi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweenay Itoobiyaan ah oo 12 sano sugaysay ubad ayaa dhashay shan mataano ah

Bedriya ayaa sheegtay inay farxad weyn dareemayso kadib sannado badan oo ay la daalaa dhacaysay sugitaanka ubad.

  • Afrika

    08-05-2026

  • 07:15PM

Madaxweyne Salva Kiir oo Eryay Taliyihii Ciidanka iyo Wasiirkii Maaliyadda

Dalkan oo ah midka ugu da'da yar Afrika, ayaa tan iyo iyo markii ka go'ay Sudan wuxuu lugaha kula jiraa dagaalo.

  • Afrika

    07-05-2026

  • 08:29PM