Dhimashada iyo kiisaska Covid19 ee Itoobiya iyo Kenya oo sarre u kacay

Image

NAIROBI, Kenya – Wasaarada Caafimaadka Kenya ayaa maanta xaqiijisay 62 kiisas cusub oo ah safmarka Coronavirus, taas oo wadarta guud ee xaaladaha caabuqa sidda fudud u faafa ka dhigeysa 1,348.

Magaala madaxda Nairobi oo wali hogaanka u haysa meelaha ugu badan ee xanuunka ku faafay waxay tiradda cusub ku leedahay 23. Caasimadda waxay qayb kamid ah ku jirtaa xaalad go'doon.

Tiradda bogsashada ayaa noqotay 405 kadib markii saddex bukaan laga soo saarey Isbitaaladda markii ay ka caafimaadeen cudurkaas.

Dhimashadda ayaa wali ku taagan 52, taas oo macnaheedu yahay in aysan jirin geeri cusub oo la liis-gareeyay saacadihii lasoo dhaafay.

Guud ahaan Kenya, waxaa xanuunka laga baarey 64,264, illaa iyo haatan, waxaa 2,293 kamid ah la baarey 24-kiis aac ee u dambeysay.

Dhanka kale, Itoobiya ayaa soo warisay 46 xaalado cusub oo ah fayruska faafa, kuwaas oo wadarta guud gaarsiiyey todoba iyo kow [701].

Haweenay 32-sano jir ah oo sidoo kale u geeriyootay caabuqa ayaa tiradda guud ee dhimashadda ka dhigtay lix, waana tiro aad u yar.

Bukaanada ka kacay xanuunka ayaa noqdey 167 kadib markii lix qof oo horey loo xaqiijiyey in uu haleelay fayruska ay ka caafimaadeen.

Qaaradda Afrika oo dhan ayaa waxaa laga xaqiijiyey in ka badan 115-kun kiisas oo ah Coronavirus iyo in ka badan saddex qof oo uu galaaftay; dunida oo idil xaaladaha iyo geerida waa malaayiin ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aamusnaanta Midowga Afrika ee qorshaha Masar ay ciidamo ugu dirayso Soomaaliya oo su’aalo dhalisay

Qorshaha ciidamada Masar ayaa sidoo kale ku soo beegmaya xilli ay sii xoogaysanayaan loollanka istaraatiijiyadeed ee Masar iyo Itoobiya.

  • Afrika

    26-10-2026

  • 05:20AM

Ruushka oo Uganda siinaya taageero milatari oo dhan $53 milyan

Qalabkan ayaa la filayaa inuu sare u qaado awoodda ciidamada Uganda ee ilaalinta biyaha iyo ka jawaabista xaaladaha amni.

  • Afrika

    25-10-2026

  • 04:58AM