Dhimasho ka dhalatay weerar lagu qaadey bas kusii jeeday Nairobi

Image

NAIROBI, Kenya – Gaari bas ah oo kusii jeeday caasimadda Kenya ee Nairobi ayaa Arbacada maanta ah waxaa lagu qaadey weerar dhabagal ah, sidda ay warisay warbaahinta maxaliga ah.

Baabuurka oo wadday rakaab ayaa la wariyey in lagu beegsaday tuulada Sarman ee waqoyga ismaamul goboleedka Soomaalidu ku badan tahay ee Mandera.

Dagaalameyaal looga shakisan yahay Al-Shabaab ayaa la tibaaxay in ay ka dambeeyeen duulaankaas, oo khasaaro kala duwan sababay.

Moyale Raha, shirkadda iska leh baska la beegsaday oo warbixin kooban siisey war-fidiyeenka, ayaa warisay in aroornimadii maanta uu gaarigooda kasoo baxay Mandera.

Wargeyska afka dheer ee Daily Nation ayaa illo wareedyo kasoo xigtay in saddex kamid ah rakaabka lagu khaarijiyey weerarka.

"Waxaa noola sheegay in dableyda ay rasaas kuso fureen gaariga, balse darawalka uusan u joofsan, taasoo dhalisay in ay xabadda ooda uga qaadaan," ayaa laga soo xigtay mas'uul sarre.

Taliyaha booliska Mandera, Onesmus Kathya, oo xaqiijiyey dhacdada, ayaa ku gaabsaday in ay goobaya xogo dheeri ah.

"Wax unbaa dhacay, balse waxaan sugeynaa fahfaahin dheeraad ah oo wanaagsan," ayuu hadalkiisa raaciyey sarkaalka.

Bishii hore ee Janaayo sanadkan 2020, dhacdooyin noocaan ah oo laga soo wariyey ismaamulka Mandera ayaa galaaftay nolosha in ka badan tobban ruux, walina ma jirto cid loosoo qabtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Suudaan oo Sheegay Inay Jabiyeen Difaacyada RSF

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay askar sheeganaya inay gacanta ku dhigeen Umm Sayala.

  • Afrika

    26-07-2026

  • 11:20AM

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM