Dhinacyada ku lugta leh colaada Tigray oo shir lagu casuumay

Image
Wadahadaladan nabadeed ayaa la qorsheeyay in ay dhamaadka asbuucaan ka dhacaan Koonfur Afrika.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Hogaamiyaha ismaamulka Tigreega ee Itoobiya iyo dawladda Faderaalka ayaa lagu casuumay wadahadal nabadeed oo ka dhacaya Koonfur Afrika dhamaadka todobaadkan

Tani ayaa qayb ka ah dadaalka Midowga Afrikaka si loo soo afjaro mid ka mid ah dagaalladii aan indhaha laga qarsan ee adduunka, sida lagu sheegay warqad ay aragtay wakaaladda wararka ee Associated Press.

Haddii Debretsion Gebremichael oo hogaamiya TPLF uu ka qayb galo wada-hadallada waxay noqon doontaa dadaalkii ugu sarreeyay ee dhameynaya dagaalkii labada sano socday ee kumanaanka qof dilay.

Dowladda Itoobiya oo kamid ah jilayaasha ugu muhiimsan colaadan dhiiga badan uu ku daatey ayaa aqbashay martiqaadka, sida uu sheegay lataliyaha amniga qaranka Redwan Hussein.

Sida ku xusan bayaan, Hussein ayaa ku tilmaantay wadahadalka "mid waafaqsan mawqifyadii hore ee dawladda Itoobiya" in wada-hadallada ay dhexdhexaadiyaan AU-da oo lagu qabto shuruud la'aan.

War-saxaafadeedkan oo warbaahinta baraha bulshadda ay si weyn u qaadaadhigeyso, si kastaba ha ahaatee, ma bixinayo tafaasiil ku saabsan cidda iman karta.

Diblomaasi ku sugan Addis Ababa ayaa sheegay in Midowga Afrika uu weli jawaab ka sugayo dhinaca Tigrayga. Afhayeenka ciidamada Tigreega Getachew Reda ayaan ka jawaabin codsi faallo bixin ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynihii hore ee Congo Kabila oo sameystay isbahaysi cusub oo beddelaya M23

Isbahaysigan ayaa Isniintii lagu dhawaaqay magaalada Goma ee bariga Congo, oo ay kooxda M23 gacanta ku dhigtay bishii Janaayo 2025.

  • Afrika

    13-10-2026

  • 07:45AM

Ugu yaraan 139 muhaajiriin ah oo 15 carruur ku jiraan oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Jabuuti

Jimcihii, waxaa la helay meydadka 52 nin, 42 haween ah, sagaal gabdhood iyo lix wiil. Axaddii, waxaa la soo helay 30 meyd oo kale.

  • Afrika

    11-10-2026

  • 08:51PM