Dhul-gariir laga dareemay qaybo kamid ah dalka Kenya

Image

NAIROBI, Kenya - Dhul-gariir cabirkiisu dhan yahay 7.6 ayaa la sheegay in uu ku dhuftay qaybo kamid ah dalka Kenya, fiidnimada Axada caawa ah.

Dowladda Kenya ayaa shaacisay in khasaaro nafeed iyo mid maaliaydeed oo kooban ay geysatay musiibadaan rabaaniga ah.

Dhul-gariirka ayaa laga dareemay magaalooyinka Naivasha, Nakuru, Makueni, Mombasa, Kiambu iyo Nyeri.

Dhacdadaan ayaa kusoo aadaysa xili maanta oo dhul-gariir cabirkiisu dhan yahay 10 uu ku dhuftay dalka Indonesia.

Khuburada aqoonta u leh arrimaha noocaan ah ayaa tuhunsan in dhul-gariirka ku dhuftay Indonesia uu sameeyay qaybo kamid ah dalka dhaca bariga Afrika.

Dadka degan xeebaha ayaa lagu tartarsiiyay in ay ka fogaadaan xeebaha si aysan waxyeelo daran ugu geysan arrintaan.

Shacabka Kenyan-ka ah oo ka fal-celiyay dhul-gariirka ayaa gurmad deg-deg ah udalbaya dhibanayaasha ay saameysay musiibadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda: Museveni oo mar 7aad u tartmayo kursiga, isagoo balan-qaadey inuu la dagaalamayo musuq-maasuqa

Madaxweyne Museveni wuxuu xukunka la wareegay sannadkii 1986 kadib dagaal sokeeye oo shan sano socday.

  • Afrika

    29-06-2025

  • 04:09PM

Maxaabiis Soomaali kamid tahay oo sugaya in lagu fuliyo dil dalka Sacuudiga

Liiska magacyada la helay oo ay ku jiraan 43 Itoobiyaan iyo 13 Soomaali ayaa muujinaya tirada la xukumay.

  • Afrika

    29-06-2025

  • 09:12AM