Dib-u-dhac mar kale ku yimid doorashooyinka Itoobiya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Itoobiya ayaa mar kale waxay dib-u-dhigtay doorashada baarlamaanka oo la filayay inay dhacdo 5-ta Juun, sida uu ku dhawaaqay guddiga doorashada heer Qaran.

Guddiga oo war-saxaafadeed soo saarey Sabtida maanta ah ayaa intaa ku daray in aysan filaynin dib-u-dhac ka badan seddex isbuuc wallow aysan shaacin sababta hakadkan horta leh.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya (NEBE), Brukanukan Mideksa, ayaa tilmaamtay in dib-u-dhaca uu ka jiro furitaanka goobaha coddeynta diiwaan-gelinta shacabka.

"Waxaan u sheegeynaa doonnaa qof walba (inuu ogaado) in sida ugu dhakhsaha badan muddo toddobaadyo/maalmood oo dheeri ah gudahooda loosoo dhammaystiri doona howlaha dib u dhaca ah ... Ma noqon doono wax ka badan 3 toddobaad," ayay raacisay.

Dalka ku yaala Geeska qaaradda Afrika ayaa waxaa markii hore qorshuhu ahaa in laga qabto cod bixinta bisha Ogos 2020 laakiin dib ayey u dhacday sababtoo ah faafida safmarka COVID-19.

Tan iyo markaas, waxaa jiray khilaaf ka qarxay gobolka waqooyiga ee Tigray, kaas oo aan ka qaybqaadan doonin codbixinta, iyo sidoo kale aagag kale oo kamid ah dalka Itoobiya.

Ra'iisul wasaare Abiy Ahmed iyo xisbigiisa Barwaaqo ayaa wajahaya caqabado uga imanaya xisbiyada kaasoo asal ahaan ku saleysan baadigoobka awood dheeri ah oo qowmiyadaha qaar rabaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM