Dib u milicso sooyaalka colaadda Jabuuti iyo Eritrea [Warbixin]

Image

Ka dib shir sadax geesood ah oo wadammada Itoobiya, Eritrea iyo Somalia ay ku yeesheen caasimada Asmara ayaa waxaa billowday dadaalo ay saddexdan wadan ku doonayaan inay ku dhameeyaan colaadda u dhaxaysa Jabuuti iyo Eritrea.

Wafdi ka kooban wasiirrada saddexda wadan ee Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya ayaa hadda bilaabay iskukeenida labada dal ee xuduudda isku haya.

 - Colaadda labada dal -

Sannadkii 2008-dii ayay ahayd markii uu dhacay dagaalkii ugu horreeyey ee labada dal ee Jabuuti iyo Eritrea uu ka qarxay xuduudda ay isku hayaan ilaa haatan ee Jasiiradda Doumeira.

Colaaddii xilligaas bilaabatay ayaa illaa iminka taagan, taasoo sababtay dagaal lagu dhammaaday maxaabiisna lagu kala qabsaday.

Jabuuti waxay ku doodaysaa inay dhulka Doumeira iyadu leedahay, xadka labada dalna ilaa haatan waxaa jooga ciidamo xoogan oo labada dhinac ah.

Iskudayo hore oo dhacayna laguma guulaysan in xal looga gaaro muranka xuduudda ee labada wadan u dhaxeeya.

Waxaa la sheegay in dagaalkii dhacay 2008-dii in dalka Jabuuti uu gacan ka helay dowladda Faranasiiska oo a dalka Jabuuti horay usoo gumaystay, heshiis milateri oo taariikhi ahna ay leeyihiin.

Balse Faransiisku wuxuu sheegay in ciidankiisa ah aysan dagaalka ka qayb qaadanin.

Jabuuti waxaa dagaalkii u horreeyey looga dilay sagaal askari lixdan kalena waa laga dhaawacay.

 - Beesha Caalamka Maxay ka tiri dagaalkaasi? -

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cambaarayn dusha uga tuurtay dowladda Eritrea.

Eritrea-yana waxay si caro leh u eedaysay iyana Mareykanka oo ay ku sheegtay inuu colaadda gobolka sii hurinayo.

Balse Jabuuti waa laga qabsaday deegaanka Doumeira, bilowgii hore ee dagaalka waxaa lagu eedeeyey inay qaaday dowladda Eritrea.

Dowladda Jabuuti waxay cabasho u gudbisay Qaramada Midoobay waxayna sheegtay in xuduudeeda la soo galay

 - Doumeira waa goob sidee ah? -

Doumeira waa deegaan jasiirad yar ah oo badda ku yaalla, waxaana dega qowmiyada Canfarta oo ku nool wadammada Jabuuti, Itoobiya iyo Eritrea, waa meel muhiim ah gaar ahaan dhinaca marinka badda cas.

Labada dalba waxay aaminsan yihiin inay Doumeira iyagu leeyihiin.

 - Eritrea iyo dagaaladii ay gashay - 

Dowladda Eretria waxay dagaal la gashay wadammdada ay dariska yihiin oo dhan, 1995-tii waxay isku dhaceen dalka Yemen oo ay isku hayeen Jasiirada Hanish oo ah marin caan ah oo maraakiibtu ay ku kala gooshaan

Saddex sano kadib Eretria waxay dagaalameen dalka Itoobiya. Labo sano ayuuna dagaalkaasi socday, waxaana la isku hayay xuduudda deegaanka Badme, dad aad u badan ayaana ku dhintay dagaalkaasi.

1990-kiina Eritrea waxay dagaalameen Jabuuti oo xuduuda ayaa la isku laayay

- Maxaa laga filan karaa dadaalladan ay wadaan madaxda gobolka? - 

Marka laga soo tago beesha caalamka guud ahaan, dadaalkan hadda bilowday waa midkii ugu horreeyey oo wadammada gobolkan ay amuurtan ku galayaan.

Itoobiya iyo Soomaaliya waa saaxiibo muhiim ah oo ay Jabuuti leedahay, isabadaladii itoobiya ka dhacay ayaa loo arkaa sababta ugu weyn ee hadda keentay dabaysha nabadeed ee gobolka ka curatay.

Related Articles

Paul Kagame: Madaxda Afrika waxay lacagta shacabka ku maalgeliyaan dalal shisheeye

Hadalka Kagame ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac ballaaran oo laga muujinayo musuqmaasuqa ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika.

  • Afrika

    27-04-2025

  • 11:31AM

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM