Dibadbaxayaasha Sudan oo ku guuleystay halgenkoodii

Image

KHARTOUM Golaha milatariga Sudan iyo hogaamiyaasha ururada rayidka ah ee horkacaya dibadbaxayada dalkaasi ka socda, ayaa xalay ku heshiiyay dowlad ku meel gaar ah oo muddo saddex sano gudahood xakunka ku wareejin doonta xukuumad rayid ah oo buuxda.

General Yasser al-Atta oo ka mid ah golaha sare ee millatariga hadda maamula Sudan, ayaa wariyaasha u sheegay xalay saqdi dhexe kaddib, in ay ku heshiiyeen saddex sano oo dowlad kumeel gaar ah.

Waxaa kale oo uu sheegay in isla maanta ay soo saari doonaan heshiiska kama danbeysta ah oo u dhaxeeya milatariga iyo isbaheysiga xorriyada Sudan ee hogaamiyanaya kacdoonka shacabka.

Heshiiskaas ayaa waxaa ku jira in labada dhinac ay soo dhisaan golaha wasiirada cusub iyo golaha baarlamaanka. Xubnaha baarlamaanka ayaa saddex marki loo qeybiyo laba qeyb ka iman doonto shacabka.

Sudan ayaa waxaa xakumayay gole milatari, tan iyo marki xakunka laga tuuray madaxweynihi hore, Cumar Al Bashiir, bishii April ee sanadkaan.

Related Articles

Uganda: Museveni oo mar 7aad u tartmayo kursiga, isagoo balan-qaadey inuu la dagaalamayo musuq-maasuqa

Madaxweyne Museveni wuxuu xukunka la wareegay sannadkii 1986 kadib dagaal sokeeye oo shan sano socday.

  • Afrika

    29-06-2025

  • 04:09PM

Maxaabiis Soomaali kamid tahay oo sugaya in lagu fuliyo dil dalka Sacuudiga

Liiska magacyada la helay oo ay ku jiraan 43 Itoobiyaan iyo 13 Soomaali ayaa muujinaya tirada la xukumay.

  • Afrika

    29-06-2025

  • 09:12AM