Diblumaasi laga reebay kooxda AU u soo dirtay Soomaaliya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Midowga Afrika ayaa ka reebay mid ka mid ah diblomaasiyiinta ugu saraysa kooxda dhexdhexaadinta Soomaaliya kadib diidmo ka timid xubno ka tirsan Madasha Badbaado Qaranka [NSF], oo ah urur ay ku midoobeen dhowr xisbi mucaarad ah oo ka dhisan dalkan dhaca Geeska Afrika, sida uu ogaaday Garowe Online.

Talaabadan ayaa lagu sheegay mid tamar cusub siin karta wadahadallada soo aadan kuwaasoo loo muddeeyay 20-ka bishaan Maarso sanadkan 2021-da.

Gudiga midowga Afrika waxay horey u magacaabeen madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama inuu noqdo wakiilka sare ee arimaha Soomaaliya waxaana ku wehelin doona tiro lataliyayaal ah oo isku dayi doona inay soo bandhigaan qodobo lagu xalinayo xaalada cakiran ee doorashada ka taagan dalka.

Mucaaradka ayaa ka dhiidhiyay in kooxda AU-da lagu soo daro Babatunde Taiwo, oo ah Madaxa Qeybta Arimaha Siyaasada ee AMISOM, iyagoo xusay in "aan aad uga walaacsan yihiin ka mid noqoshadiisa kooxda".

Sida laga soo xigtay war-saxaafadeedka NSF, Mr Taiwo "wuxuu saameyn sun ah ku leeyahay Siyaasadda Soomaaliya ", iyagoo intaas ku daray "inuu wakiil u yahay Villa Soomaaliya, laaluushna ka qaato Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka, waana macangag u dusiya taliska Farmaajo macluumaadka qarsoodiga ah ee dallaalada socda".

Madasha Badbaado Qaran ayaa waxay ku adkeysatay in ka mid noqoshada Taiwo ay tahay "mid aysan aqbali karin NSF sababo la xiriira dabeecadiisa musuqmaasuqa iyo cilaaqaadka uu la leeyahay Villa Soomaaliya".

"Intaas waxaa dheeraad, ma aqbali karno in Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika uu ka qeybqaato wadahadal xasaasi ah ama qaabab kale oo xiriir ah ilaa iyo inta Mr Taiwo uu ku jiro boos kasta uu ku heli karo," ayay xuseen.

Qoraalka ayaa intaas lagu daray: "Marka waxaan si xushmad leh u codsaneynaa in laga laabto magacaabida Mr Taiwo iyadoo la tixgelinayo kooxda Ergeyga Gaarka ah waxaana si adag ugu talineynaa in dib loogu celiyo waax kale oo ka tirsan Midowga Afrika".

Balse, warsidaha GO ayaa fahansan in Wakiilka AUC John Mahama uu magacaabidiisa kadib uu Taiwo ka reebay kooxdiisa sababo ku aadan "in uusan dhexdhexaad ka ahayn" wada hadalada soo socda. Ma cadda goorta Mahama iyo kooxdiisu ay soo caga dhigan doonaan Soomaaliya.

Magacaabista Mahama ayaa si weyn looga aqbalay Soomaaliya oo dhan iyadoo inta badan hoggaamiyeyaashu ay bogaadiyeen "doorkiisa dimoqraadiyadda" xilligii uu ahaa madaxweynaha Ghana.

Madasha Badbaadada Qaranka ayaa sidoo kale soo dhaweysay magacaabistiisa, ka sokow waxay ku amaantay Midowga Afrika go'aanka ay u diideen muddo kordhinta labada sano ee taliska Maxamed C/llaahi Farmaajo.

"NSF waxay bogaadineysaa go'aanka Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ay ku diideen muddo kordhin hal dhinac ah oo uu sameeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya taasoo lagu jabiyay dastuurka KMG ah ee Soomaaliya," ayaa lagu yiri bayaanka.

Madasha ayaa raacisay: "Fududeynta wadahadalka u dhexeeya daneeyayaasha siyaasada Soomaaliya si loo dhameystiro heshiiska ku saleysan qaab dhismeedka iyo qaababka loo maareynayo doorashooyinka dadban ee Baarlamaanka cusub ee Federaalka iyo Madaxweynaha way yar tahay fursad uu ugu imaan karo dib-u-dhac horleh leh".

Daneeyayaasha siyaasada Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay wadahadalo ka yeeshaan doorashooyinka. Mahama ayaa dhankiisa waxaa la rajeynayaa inuu door muhiim ah ka ciyaaro. Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble wuxuu hogaaminayaan shirka 20-ka Maajo ka dib dhammaadka bisha barakaysan ee Ramadaan oo waqti xaadirkan gabagabo ku dhow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Paul Kagame: Madaxda Afrika waxay lacagta shacabka ku maalgeliyaan dalal shisheeye

Hadalka Kagame ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac ballaaran oo laga muujinayo musuqmaasuqa ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika.

  • Afrika

    27-04-2025

  • 11:31AM

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM