Diblumaasi reer Eritrea ah oo doonaya in dib loo siiyo dhalashada Soomaaliya

Image

ASMARA, Eritrea – Talaabo naadir ah, diblumaasi sarre oo u dhashay waddanka Eritrea ayaa si furan wuxuu u codsaday in dib loogu soo celiyo dhalasho uu sheegtay in uu ka haystay Soomaaliya.

Estifanos Afwerki, oo sidoo kale ah safiirka xukuumadda Casmara u fadhiya dalka Japan, ayaa waxa uu daboolka ka qaadey in la siiyey dhalashadaasi sanadku markuu ahaa 1983-dii kahor burburkii.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayuu hoosta uga xariiqay in uu dalabkaan hordhigay madaxweyne Farmaajo oo ay ku kulmeen garoonka diyaaradaha magaalada caasimada ah ee Tokyo.

Farmaajo oo galabnimadii Axadda dib ugu laabtay Muqdisho, magaala madaxda dalka dhaca Geeska Afrika, ayaa waxa uu Japan uga qeybgalay shirka iskaashiga wadankaasi iyo qaaradda Afrika.

"Waxaan madaxweyne Farmaajo maanta ku waydiistay garoonka diyaaradaha Narita Airport TOKYO in uu si naxariisleh uga caawiyo in la ii cusbooneysiiyo dhalashadeyda Soomaaliya oo aan helay 1983-dii: Hal dad #Eritrea," ayuu yiri.

Ma cadda jawaabta uu Farmaajo siiyey danjiraha, walina Villa Soomaaliya kama jawaabin arrintan, inkasta oo isku dayo la doonayey in wax looga waydiiyo aysan ka jawaabin.

Soomaaliya ayaa sooyaal u leh in ay dhalashooyin siiso ajaaniibta kasoo jeeda wadamada doorka firfircoon ka qaatay halgankii uu dalku xorriyadda kaga soo ceshtay isticmaarkii Talyaaniga iyo Britain.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Koonfur Afrika oo Shaqada ka Joojiyay Wasiirka Booliska kadib Eedeymo culus

Waxaa la filayaa in baaritaanka guddiga uu saameyn ballaaran ku yeelan doono kalsoonida dadweynaha ee hay’adaha amniga iyo hufnaanta dowladda.

  • Afrika

    14-07-2025

  • 12:16PM

Masar iyo Eritrea oo Ballanqaaday inay Itoobiya kahor istaagayaan Badda Cas

Madaxweyne el-Sissi, oo khudbad ka jeediyay July 7, ayaa sheegay: “Ciddii isku dayda inay wiiqdo madax-bannaanida Soomaaliya.

  • Afrika

    12-07-2025

  • 07:52PM