Digniin culus oo loo diray Soomaalida ku nool Sudan [AKHRI]

Image

KHARTOUM - Safaaradda Soomaaliya ee magaaladda Khartoum ayaa soo saartey qoraal loogu baaqayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Sudan inay sameeyaan taxadir maadaama xaalad khatar ah ay ka jirto dalka.

"Iyadoo la tixgalinayo xaaladda ka taagan dalka Suudaan, waxa ay ugu baaqeysaa Safaaradda JFS ee Khartoum guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkan in ay muujiyaan taxaddar dheeraad ah, ayna ka fogaadaan goobaha ay dadku isugu yimaadaan," ayaa lagu yiri warka Safaaradda.

Safaaradda waxay kula talisay Muwaadiniinta Soomaaliyeed inay lasoo xiriiraan hadii xaalad degdeg ah lasoo gudboonaato inta ay ku sugan yihiin dalka Sudan.

Lama shaacin tirada dadka Soomaalida ah ee ku nool Sudan, balse waxaa la rumeysan yahay in ay joogaan arday badan oo wax ka barta Jaamacadaha iyo dad kale oo Soomaali ah oo degan dalkan uu afgembiga ka dhacay.

HALKAN KA AKHRI QORAALKA SAFAARADDA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM