Digniin laga soo saarey dildilaaca ka jira milatariga Sudan

Image

KHARTUUM, Sudan - Ra'iisul wasaaraha Suudaan ayaa ka digay Talaadada "walaac xoog leh" oo ka soo baxa gudaha ciidamada amniga ee dalka wuxuuna soo jeediyey dib-u-heshiisiin u dhexeysa dhinacyadda siyaasadeed iyo kuwa militariga.

Raiisel wasaare Abdalla Hamdok ayaa hadalkan sheegay mar uu ku dhawaaqay hindise lagu mideynayo kooxaha ku hagaya Suudaan marxalad kala guur ah oo jilicsan kadib markii xukunka laga tuuray madaxweyne Cumar Al-Bashiir Abriil 2019.

Waddanka Suudaan waxaa hogaaminayay maamul xukuma rayid iyo militariga tan iyo markii dhinacyadu gaareen heshiis awood qeybsi ah bishii Ogosto ee xigtay afgembigii lagu soo afjaray nidaamka Al-Bashiir.

Ku dhowaad laba sano ka dib, kala-guurka ayaa weli la kulmaya caqabado culeys leh oo ay ku jiraan cadaadis uga imanaya mucaaradka iyo dadka rayidka ah si dib loogu habeeyo militariga.

"Dhammaan caqabadaha na horyaalla, sidaan qabo, waxay muujinayaan dhibaato qoto dheer oo ugu horreynba ah mid siyaasadeed," ayuu Hamdok u sheegay suxufiyiinta reer Suudaan.

Wasiirka koowaad farta ku fiiqay kala qaybsanaan u dhexeysa dadka u ololeeya dimuqraadiyadda ee horseeday mudaaharaadyadii bishii Diseembar 2018 ee ka dhanka ahaa Al-Bashiir, isaga oo intaa ku daray in kala qaybsanaanta milatariga ay sidoo kale ahayd "arrin aad looga walaaco."

Hamdok wuxuu sheegay in qorshihiisu ujeedkiisu ahaa inuu u ololeeyo dib u habeyn lagu sameeyo militariga isla markaana la hubiyo in kooxaha hubeysan, oo ay ku jiraan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Rapid Support Forces (RSF), lagu dhex daro ciidamada qalabka sida.

Warbaahinta Suudaan waxay si isdaba joog ah u wadeen warbixino ku saabsan xiisadaha u dhexeeya RSF iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan isla markaana xudunta is-mari-waaga ay tahay qadiyad ku saabsan isku dhafka.

Maalmihii la soo dhaafay, Khartuum waxaa ka dhacay mowjado dambiyo rabshado wata iyo bililiqo, iyadoo banaanbaxayaal careysan ay waddooyinka ku xireen taayirada gawaarida oo gubanaya.

Toddobaadkii la soo dhaafay, ra'iisul wasaare Cabdalla Xamduuk ayaa cod dheer kaga digay in waddankiisa uu ku dhici karo fowdo iyo xasillooni darro hor leh haddii dhinacyada siyaasadeed ee talada haya ay ku guuldareystaan ​​inay wada shaqeeyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM