"Dilalka ciidanka Kenya ee rayidka wuxuu marayaa heer uu caadi noqdo"

Image

NAIROBI, Kenya – Gudoomiyaha Mandera, Cali Rooba, ayaa waxa uu ku eedeeyay ciidamada Kenya in ay ku xadgudbaan rayidka is-maamulka ku nool.

Mr Roba ayaa wuxuu tibaaxay in xoogaga ay sanadihii lasoo dhaafay "si bareer ah u khaarijiyeen dad aanan waxba galabsan".

"Inaga oo isku dayeyna in aan dadka dejinno, ciidamada waxay dadka ku dhex-dilayaan gudaha xeryahooda. Laba qof ayay Elham [tuulo] ku dileen," ayuu yiri Arbacadii.

Gudoomiyaha ayaa ku nuux-nuux saday in qadiyadda ku aadan dilka ay ciidamaddu u geystaan dadweynaha uu gaarey heer uu noqdo "wax iska caadi ah".

"Xaaladda heer waxay mareysaa in xitaa mas'uuliyiinta gobolka laga soo qaado kuwa aanan waxba ahayn. Mandere xuquuq bey leedahay. Mana dul-qaadan doono," ayuu xusay.

Isaga oo sii hadlay ayuu tibaaxay in Milatariga Kenya ay ka dambeeyaan dadka guryaha lagala baxayo ee dhowaanahaan soo badanayey.

Hadalkan wuxuu imaanayaa maalin kadib markii dowladda Kenya ay burbursay badeeco ku fadhisay 55-kun oo dollar iyo dad badan oo raq iyo ruux lagu la'yahay.

Siyaasiyiinta iyo dadka degaanka oo cambaareeyay falka gubitaanka ayaa ku tilmaamay "mid looga cunaqabeynayo cunooyinka muhiimka ah sida bariiska iyo saliida".

Maxamed Araariye, gudoomiye ku xigeenka maamul goboleedka Mandera, ayaa ku tartarsiiyey xukuumada Nairobi in ay xal u keento arrimahaan, aysana beegsan ganacsiga.

Araariye ayaa shaaca ka qaadey in sohdinta Kenya-Soomaaliya la xiray tobban sano kahor, si looga hortago alaab ka yimid dalka leh xeebta ugu dheer Afrika.

"Saraakiisha Booliska oo musuq-maasuqa qeyb baaxad leh ku leh ayaa soo dhoofinaya badeecadaha sharci darada ah, iyaga oo celinaya kuwa sharciga ah, taasina nama qabato," ayuu daba dhigay hadalkiisa.

Qeylo-dhaanta kasoo yeeray mas'uuliyiinta is-maamulka Mandera ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadda ay taagan tahay xiisad u dhaxeysa Muqdisho-Nairobi taasoo la rumeysan yahay in ay dhalisay dhamaan arrimahaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM