Diyaarad ay leeyihiin ciidamadda difaaca Kenya oo burburtay

Image
Image

NAIROBI, Kenya – Diyaarad nooca qumaatiga u kacda ah [helicopter] ayaa Isniinta maanta ah ku burburtay degaanka Kithyoko, ismaamulka Machakos ee dalka Kenya, sidda ay warisay warbaahinta maxaliga ah.

Taliska Ciidamadda Difaaca Kenya ayaa qirtay in diyaaradda ay iyagu leeyihiin. Nooca diyaaradda waa Hughes 500MD. Laba qof oo ahaa duuliyeyaasha ayaa waxaa la xaqiijiyey in ay ku naf-waayeen shilkaan.

Illaa iyo haatan, lama ogga sababta dhabta ah ee keentay in ay soo dhacdo diyaaradda. Balse, saraakiisha waxay sheegeen in ay baaris bilaabeen.

Ciidamada Kenya ayaa inta badan diyaaradaha noocaan ah u adeegsada in ay kusoo daabulaan cunooyinka iyo adeegyadda kale ee muhiimadda u leh iyaga.

Karanja Muiruri, oo kamid ah saraakiisha ciidamadda ee ku sugan Machako, ayaa tibaaxay in ay gurmad deg-deg ah u direen meesha ay wax ka dhaceen kadib markii uu soo gaarey warka burburka diyaarada.

"Abaare 11:30 barqinimo ayuu dhacay shilka, waxaana warbixinta nasoo gaarsiiyey dadweynaha. Ciidamadda gurmadka deg-deg ah waxay ku gaareen meesha muddo 20-daqiiqo ah," ayuu tibaaxay.

Diyaaradda burburtay ayaa kamid ahayd lix xabo oo bishii Janaayo uu taliska kasoo iibsaday Mareykanka, waxaana loogu talagalay in loo adeegsado howlgalada gudaha iyo baacsiga argagixisada.

Bishii lasoo dhaafay ee June 13-keeda ayay ahayd markii diyaarad hilikobter ay shil ku gashay tuulada Kaithe Kithoka ee ismaamulka Meru. Diyaaradaas burburtay waxay ku diiwaan-gishaneyd sumadda 5Y NPW.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Paul Kagame: Madaxda Afrika waxay lacagta shacabka ku maalgeliyaan dalal shisheeye

Hadalka Kagame ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac ballaaran oo laga muujinayo musuqmaasuqa ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika.

  • Afrika

    27-04-2025

  • 11:31AM

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM