Donald Trump oo xayiraad dhanka socdaalka ah saarey dalal Afrikaan ah

Image

WASHINGTON, US – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa kordhiyey tiradda wadamada ay mamnuuca ka tahay in ay muwaadiniintooda u safraan Mareykanka.

Dalalka cusub ee liiska lagu soo daray waxay kala yihiin; Eritrea, Kyrgyzstan, Myanmar iyo Nigeria.

Chad Wolf, sii haayaha xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha waddanka Mareykanka, ayaa wuxuu dalalkan ku dhaliilay in ay ku guuldareesteen fulinta shuruudaha ay hor-dhigeen.

Shuruudaha waxaa qeyb ka ah ay soo gudbiyaan xogo kuu saabsan Baasaboorada shaqsiyaad looga shakisan yahay argagixisinimo iyo fal-dambiyeedyo, sidda uu shaaciyey Wolf.

Shanta dal ee ku cusub xayiraada socdaalka ayaa haysta fursad ah in muwaadiniintooda ay kaliya u tagi karaan Mareykanka dalxiis, iyagoo ku sugnaanaya muddo kooban.

Bishii Janaayo, 2017 ayay ahayd markii ugu horeysay oo Trump uu soo rogay cunaqabateynka oo qayb ka ahayd qodobadii uu ololaha ku galay intii uu murashaxa ahaa.

Liiska dalalka ay xayiraada saaran tahay tan iyo xiligaas waa; Iran, Libya, Somalia, Syria, Yemen, Venezuela iyo Kuuriyadda Waqooyi, kuwaasoo lagu sifeeyay "dalal aan amni ahayn".

Cambaareynta uu Trump kala kulmay talaabadaan ayaa ah in badi dowladaha uu xayiraada saarey ay yihiin Muslimiin, talaabadaas oo lagu qeexay in ay tahay "faquuq iyo naceyb".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM