Donlad Trump oo Kenya u sameeyay balanqaad ka dhan ah Al-Shabaab

Image

NAIROBI, Kenya – Danjiraha Kenya u jooga Qaramada Midoobay, Lazarus Amayo, ayaa Jimcadii, 17-ka July, wuxuu la kulmay madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, sidda ay warisay warbaahinta maxaliga ah.

Kulankaas ayaa diiradda lagu saarey sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal gaar ahaan ganacsiga iyo qaabka Kenya isaga caabin karto khataraha kaga imaanaya maleeshiyaadka hubeysan ee Al-Shabaab.

Amayo iyo Trump oo ku kulmay Aqalka Cad ee Washington ayaa adkeeyay baahida loo qabo in dhinacyadda xoojiyaan iskaashigooda la dagaalanka xoogaga gacansaarka la leh urur-weynaha Al-Qaacida.

Sidda ay tabineyso warbaahinta, Trump ayaa balanqaaday in maamulkiisa ka caawin doono dowladda Kenya ee uu hogaamiyo Uhuru Kenyatta sidii ay u baajin lahayd weeraro ay mustaqbalka qaado Al-Shabaab.

"Sidoo kale, Trump wuxuu xaqiijiyey in ay ka go'an tahay taageerada dhismaha ciidamadda badda ee Kenya," ayay xuseen saxaafada.

Dhanka kale, Trump oo isla maalintaas qaabilay safiiro cusub ayaa tibaaxay in ku guuleysiga Kenya ee xubinimada Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ay xoojin doonto iskaashiga iyo xiriirka labada waddan.

Al-Shabaab ayaa ah halista ugu weyn ee ammaanka Kenya tan iyo ciidamada dalkaas ay kamid noqdeen howlgalka AMISOM, waxaana gudaha waddankaas ay ka fulisay weeraro galaaftay tobanaan askar iyo rayid.

Mareykanka oo ah xulafada ugu weyn ee saaxiibada caalamka ayaa la dagaalankiisa dagaalameyaashan waxaa uu isugu jiraan howlgal dhulka iyo cirka ah, wallow muddooyinkii ugu dambeeyay uu hakad ku yimaaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM