Dowlada Imaaraadka Carabta oo Dhuun Shidaalka Qaada u dhisaysa Itoobiya
ADDIS ABABA - Dalka Imaraadka Carabta ayaa qorsheynaya inuu dhiso Dhuun shidaal oo isku xirta wadamada Eriteria iyo Itoobiya, taasoo muujineysa maalgalinta wadankaan ku sameynayo dalalka ku yaal geeska Afrika.
Dhuuntaan shidaalka ayaa isku xiri doonta magaalada dekada ah ee Assab ‘Eriteria’ iyo magaalo madaxda dalka Itoobiya Addis Ababa. Dalka Itoobiya ayaa June sanadkaan shidaal ka heley Koonfur Barri ee dalkaas kaaasoo mareyA heer tijaabo ah, ayaa waxaa uu baahan yahay dekadaha dalka Eritrea si saliidaan u dhoofiyo.
Wakaalada wararka dalka Itoobiya "FANA" ayaa markii ugu horeysay shaacisay xogta dhismaha dhuuntaan Jimcihii lasoo dhaafey kadib markii kulan dhexmarey Ra’iasal wasaaraha wadankaan Abiy Axmad iyo Reem Hashimy oo ah wasiiru dowlaha dalka Imaraadka Carabta u qaabilsan xiriirka caalamiga ah.
Dalka Imaraadka Carabta ayaa si hoose uga shaqeynayey in muddo ah iney dhameyso colaada 20 sano socotey uu dhaxeysay dalalka Eritrea iyo Itoobiya bishii lasoo dhaafey.
Hashimy ayaa bishii lasoo dhaafey sheegtey iney hogaamineyso siyaasada wadanka Imaraadka Carabta ee ku aadan wadamada Afrika gaar ahaan kuwa ku yaal “ Sub-Saharan”, iyadoo markii asbuucii hore la kulantey Ra’isal wasaaraha dalka itoobiya xustey in dalkeedu raadinayo sidii maalgalin ugu sameyn lahaa dalkaan oo ah wadanka labaad ee ugu dadka badan Afrika, sidaas waxaa qortey wakaalada wararka Fana.
Agaasimaha xafiiska Ra’isal wasaaraha Itoobiya Fitsum Arega, ayaa u sheegey Reuters in wadahadalka intiisa badan diirada saararyey maalgalinta sida warshadaha, beeraha, guryaha "Real Sate", dhuunta shidaalka iyo dhismaha goobaha loo dalxiis tago.
Dalka Imaraadka Carabta ayaa saldhig ciidan ku leh dalka Eritrea dekadiisa Assab halkaas oo uu ka maamulo dagaalka ka socda Yamen kasoo ay kula jiraan Huutiyiinta.
Wasiirka arimaha dibada dalka Sucuudiga Adel al-Jubeir ayaa Khamiistii booqasho ku yimid dalka itoobiya waxaana uu la kulmay abiy Axmed kaasoo weli aan laga helin wax war ah.
Wakaalada wararka Reuter ayaa asbuucii hore sheegtey in dalka itoobiya waydiisatey dalka Sucuudiga iney siyaan sanad shidaal ah kasoo lacagtiisa iska bixin doonaan muddo sanad ah kadib.
Dhinaca kale Wasiirka arimaha dibada dalka Eritrea ayaa la taliyaha khaaska ah ee Madaxweyne Afwerki waxay sidoo kale yimaadeen magaalada Addis Ababa si loo hormariyo heshiisyadii ay labada dhinac kala saxiixdeen.
Dalka Imaraadka Carabta iyo Sucuudiga ayaa tartan adag kula jira sidii ay hoos ugu dhigi lahaayeen saameynta dalalka Qatar iyo Turkey ku leeyihiin geeska Afrika kuwasoo xiriir wanaagsan la leh dolwada fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.
GO+WAKAALADAHA