Dowladda Jabuuti oo ku gacansayrtay dalab kaga yimid Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Jabuuti ayaa gaashaanka ku dhufatay codsi ku aadan in ay ka tanaasusho tartanka ay kula jirto Kenya ee la xiriira kursiga Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, sidda uu qoray The Africa Report.

Coddeynta ayaa qorshuhu yahay in ay dhacdo Arbacada 17-ka bisha June, iyaddoo la sheegay in natiijadda kasoo baxda ay saameyn ku yeelan doonto xaalada gobolka Geeska Afrika oo wadamada ay ku loolamayaan.

Midowga Afrika ayaa isku raacay in Kenya ay matasho qaaradda, hase ahaatee, waxaa talaabadaas "sharci darro" ku tilmaamtay Jabuuti.

Dowlada uu hogaamiyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku doodeysa in Kenya ay kaga dambeysay xubinimadda golaha awooda badan, waxaase sheegashadaas hoos u dhigtay xukuumadda Nairobi.

Ruushka, Shiinaha, qaar kamid ah dalalka ku hadla Afka Faransiiska iyo Carabta oo ay ku jirto Soomaaliya ayaa si buuxa u taageeraya Jabuuti.

Midkood – Jabuuti iyo Kenya – dalka soo baxa oo bedeli doona South Afrika waxay ku biiri doonan Mexico, India, iyo midkood Canada/Ireland/Norway oo noqonaya wadamada ku cusub golaha.

Xubinimadda Golaha Ammaanka UN-ka ayaa wadamadda siineysa madal ay ku iibin karaan danahooda qaranka maadaama goluhu yahay meesha laga hago ammaanka, nabadda iyo guud ahaan siyaasadda caalamka.

Kenya iyo Jabuuti ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay wadday olole ay ku baadigoobayaan codadka wadamadda xulafadda la ah, waxaana muuqaneysa in tartankooda diblumaasiyadeed uu dhamaad ku dhow yahay.

Sikastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa waxay kamid ahayd meelaha loolanka aadka looga dareemay, hase ahaatee, xukuumadda haatan jirta ee Muqdisho waxay si shaac-baxsan u garab istaagtay Jamhuuriyadda Jabuuti.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM