Dowladda Jabuuti oo soo iibsatay markab nooca xamuulka qaada ah

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

DJIBOUTI CITY, Jabuuti – Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa Axada maanta ah wuxuu ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigay markab nooca xamuulka ah oo waddankaas uu soo iibsaday.

Markab oo lagu magacaabo Africa Sun isla markaana qaada 1,118-kun oo kunteenar waxaa soo iibsaday shirkada Djibouti Shipping Company oo la aas-aasay 2017-kii isla markaana dowladda hoostagta.

Madaxa Dekadaha Jabuuti iyo Aaga Canshuuraha ka caagan, Abuubakar Cumar Cadi, ayaa war-fidiyeenka u sheegay in soo iibsashada markab ay ka qeyb-qaadaneyso kobaca dhaqaalaha Jamhuuriyadda.

"Sidoo kale, waxay fursad u tahay ganacsatada Jabuuti ee dibadaha wax kasoo dhoofsada," ayuu hadalkiisa ku daray Abuubakar.

Muuse Maxamed Axmed, wasiirka dekadaha Jabuuti oo farxad ka muujiyey in ay soo iibsadeen markabka, ayaa tilmaamay in uu isbedel dhanka wanaagsan ah uu ku keeni doono shaqada dekadaha waddankiisa.

"Hadii Jabuuti ay lahayd dekado casri ah oo adeegyo u qaban jiray maraakiibta shisheeye, maanta waxay u qaban doonan maraakiib aan annaga leenahay iyo kuwa shisheeye, waana wax fiican," ayuu xusay.

Geelle ayaa carabka ku dhuftay in markabka ay Jabuuti soo iibsatay in uu culeyska ka yareyn doono maraakiibta waaweyn ee dhibka ku qabay in ay kusoo xirtaan dekadahooda sabab la xiriirta culeyska ay sidaan.

Dhanka kale, warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Jabuuti ay qorsheyneyso in ay soo iibsato maraakiib kale, bilooyinka soo aadanna ay soo bandhigeyso markab labaad oo hadda wadahadalo ay u socdaan.

Jabuuti, wallow uu yahay dal yar, haddana in uu ku yaalo marin-istaraatiiji ah oo dhacda Geeska Afrika ayaa ka dhigtay mid ay daneeyaan quwadaha caalamka, waxaana saldhig ku leh Shiinaha, Faransiiska iyo Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Daahfurka GERD: Itoobiya oo Dib u Hanatay Awood Goboleed, Inkastoo Khilaafka Biyuhu Weli Taagan Yahay

Caqabadaha u baahan in la xalliyo si dalalka isticmaala biyaha wabiga Nile xal looga gaaro….

  • Afrika

    11-09-2025

  • 10:40AM

Wafdiga ECOWAS oo ka baxay Guinea-Bissau kadib hanjabaad uga timid Madaxweynaha dalka

Madaxweyne Embalo weli kama uusan jawaabin eedeynta kasoo yeertay ECOWAS, oo ah urur dhaqaale oo ka jira Galbeedka Afrika.

  • Afrika

    11-09-2025

  • 07:21AM