Dowladda Kenya oo ka hadashay in ay ka baxeyso dacwadda badda

Image

NAIROBI, Kenya – Labaatan qareeno Kenyan ah ayaa karaar-siisay dalabkooda ku aadan in ay dowladooda ka baxdo dhageysiga dacwadda badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya, sidda laga soo xigtay wargeyska Daily Nation.

Qareenadda ayaa ku doodaya Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ay kiiska u xukmin doonto Soomaaliya, isla markaana waddankooda uu halkaas ku wayn doono dhul-biyood balaaran iyo kheyraad muhiim ah.

Codsigooda oo qoraal ahaan iyo dood afeedba ay kaga qeyb-qaateen ayaa waxay u gudbiyeen Maxkamadda Sarre ee Kenya. Sidda laga soo xigtay warbixinta, xeer-beegtada ayaa go’aan ka gaareysa 7-da November.

Dhinaca kale, Paul Nyamodi oo ah qareenka dowladda Kenya ku metelaya doodan ayaa cod dheer meesha kaga saarey in xukuumadda Nairobi ay dooneyso in ay gebi ahaanba ka baxdo gal-dacwadeedkan.

Nyamodi oo duray soo jeedinta qareenadda ayaa ku sifeeyay mid ku saleysan "qiyaas" wuxuuna caddeeyay in ay ka dhowr-sugayaan ICJ.

"Kenya way ka qeyb-qaadan doontaa dhageysiga ICJ. Codsiga ma ahan mid qiimo leh sababtoo ah wuxuu martiqaad u fidinayaa maladda cod-sadayaasha," ayuu u sheegay warbaahinta maxaliga ah.

Hadalka xukuumadda Nairobi ayaa kusoo hagaagaya iyadda oo xeer-beegtada hoostagta Qaramadda Midoobay ay shaacisay in ay bisha June ee 2020-ka ay dhageysan doonto gar-maqalka.

Dacwadda oo taagan tan iyo bishii August ee 2014-kii ayaa ku saabsan goob ku yaala sohdin biyeedka labadda dowladood halkaas oo hodan ku ah kheyraad dabiici ah sida Khayraad iyo Gaaska naqaska ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto oo Wajir Ka Raalli-gelin Ka Bixiyey Dayacaaddii Lagu Hayey Gobolada Waqooyi Bari

Madaxweyne Ruto oo Wajir Ka Raalli-gelin Ka Bixiyey Dayacaaddii Lagu Hayey Gobolada…

  • Afrika

    02-06-2026

  • 04:07PM

Abiy Ahmed oo codkiisa dhiibtay xilli xisbigiisa loo saadaalinayo guusha doorashada Itoobiya

Goobaha codbixinta ayaa albaabada loo furay 6:00 subaxnimo, iyadoo safaf dhaadheer lagu arkayay meelo badan saacadihii hore ee maalinta.

  • Afrika

    01-06-2026

  • 07:46AM