Dowladda Kenya oo shaacisay in ay hakisay bixinta Baasaboorka

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa maanta oo Talaado ah waxay ku dhawaaqday in muddo saddex maalmood ah ay hakisay bixinta Baasaboorka.

Waaxda Socdaalka oo bayaan soo saartay ayaa sheegtay in shaqadda ay dib u bilaaban doonto 27-ka bisha December ee sanadkan 2019-ka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu tibaaxay in talaaban loo qaadey "sababo laga foqsan waayey", wallow aan lagu bixin tafaasiil ku aadan waxay yihiin.

Joojinta oo siyaabo kala duwan looga falceliyey ayaa waxay kusoo aadeysaa iyaddoo uu kordhay dalabka ku aadan Baasaboorka.

"Inta lagu guda jiro hakinta, waxaa dib-u-habeyn lagu sameyn doonaa nidaamka si loo horumariyo adeegyadda," ayaa lagu yiri qoraalka Hay'adda.

Marka laga soo tago Nairobi, xarumaha kale ee laga heli jiray Baasaboorka ee la xiray ayaa ku yaala; Eldoret, Kisii, Nakuru, Kisumu iyo Mombasa.

Dr. Fred Matiang'i, wasiirka arrimaha gudaha Kenya, ayaa yiri: "Xiritaanka Waaxda waa ku meel gaar, waana la furayaa saddex maalmood kadib".

Kenya ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay ku howlaneyd casriyeynta xafiisyadda socdaalka, taasoo la aaminsan yahay in ay keentay xiritaankan ku meel gaarka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya iyo Ruushka oo heshiis ka gaaray joojinta qorista muwaadiniinta Kenya ee ciidamada Ruushka

Heshiiskan ayaa imanaya iyadoo Kenya ay walaac ka muujisay wararka sheegaya in muwaadiniinteeda lagu qortay ciidamada Ruushka.

  • Afrika

    31-10-2026

  • 05:16AM

Itoobiya oo si degdeg ah u soo iibsatay diyaarado dagaal xilli ay ka cabsi qabto weerarro dibadeed

Nidaamka difaaca cirka ee S-400 ayaa isna loogu talagalay inuu ogaado oo ka hortago diyaaradaha iyo gantaallada cadowga ee hawada ku jira.

  • Afrika

    29-10-2026

  • 06:56AM