Dowladda Masar oo dib u soo celinaysa tareen 70-sano jir ah

Image
Matxafka Royal Train Garage Museum ee beerta Montazah Palace ee Alexandria ayaa lagu waddaa in lagu soo bandhigo.

QAAHIRA, Masar - Maamulka qaran ee tareenada waddanka Masar ayaa ku dhawaaqay 12-kii Juun dhamaystirka dib u shaqo-gelinta tareenka boqortooyada xilligii Boqor Faaruuq oo laga joogo 70 sano kahor markii aan la isticmaalin.

Mas'uuliyiinta ayaa war saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in tareenka dib loogu soo celiyay sababo ku aadan taariikhda uu xambaarsan yahay iyo in uu ka turjumayo ilbaxnimada iyo qiyamka Masaarida.

Bayaanka wuxuu intaa ku daray in tareenka loo wareejiyay khadka tareenka ee Qaahira-Alexandria, waxaana lagu soo bandhigi doonaa Matxafka Royal Train Garage Museum ee beerta Montazah Palace ee Alexandria.

"Tareenka waxaa laga maamuli jiray [Qaahira ilaa Alexandria] wuxuu badalayaa baabuurta waaweyn ee jidadka, taas oo muujinaysa dadaalka weyn ee loo galay soo celinta tareenkan taariikhiga ah," ayay maamulku ku dartay hadalkeeda.

Tareenkan ayaa waxa uu ka kooban yahay laba qeyb oo halkii mar qaadi kara 40 rakaab ah iyo kuraas guurguura oo raaxo leh kuwaasoo la leexin karo una sahlaya rakaabka in ay sheekeystaan.

Sidoo kale, waxaa ku rakiban 12 telefoon oo yaala qolalkiisa iyo goobo lagu nasto. Intaas waxaa u dheer, qolal loo qaabeeyay guri boqortooyo oo u gaar ah boqorka iyo martidiisa oo uu ku jiro qol labiska loogu talagalay.

Boqor Faaruuq ayaa ahaa boqorkii ugu dambeeyay Masar, wuxuuna dhashay 11-kii Feberaayo 1920-kii, waxaana uu talinayey boqortooyadii Calawiyiinta ee uu aasaasay Muxamed Cali Pasha.

Xukunkiisu waxa uu socday 16 sano laga soo bilaabo 1936 ilaa uu ku baxay dhaqdhaqaaqa saraakiisha xorta ah ee kacaankii 1952. Boqorka iyo qoyskiisa waxa loo musaafuriyay Talyaaniga, halkaas oo uu ku geeriyooday March 18, 1965kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM