Dowladda Masar oo dib u soo celinaysa tareen 70-sano jir ah

Image
Matxafka Royal Train Garage Museum ee beerta Montazah Palace ee Alexandria ayaa lagu waddaa in lagu soo bandhigo.

QAAHIRA, Masar - Maamulka qaran ee tareenada waddanka Masar ayaa ku dhawaaqay 12-kii Juun dhamaystirka dib u shaqo-gelinta tareenka boqortooyada xilligii Boqor Faaruuq oo laga joogo 70 sano kahor markii aan la isticmaalin.

Mas'uuliyiinta ayaa war saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in tareenka dib loogu soo celiyay sababo ku aadan taariikhda uu xambaarsan yahay iyo in uu ka turjumayo ilbaxnimada iyo qiyamka Masaarida.

Bayaanka wuxuu intaa ku daray in tareenka loo wareejiyay khadka tareenka ee Qaahira-Alexandria, waxaana lagu soo bandhigi doonaa Matxafka Royal Train Garage Museum ee beerta Montazah Palace ee Alexandria.

"Tareenka waxaa laga maamuli jiray [Qaahira ilaa Alexandria] wuxuu badalayaa baabuurta waaweyn ee jidadka, taas oo muujinaysa dadaalka weyn ee loo galay soo celinta tareenkan taariikhiga ah," ayay maamulku ku dartay hadalkeeda.

Tareenkan ayaa waxa uu ka kooban yahay laba qeyb oo halkii mar qaadi kara 40 rakaab ah iyo kuraas guurguura oo raaxo leh kuwaasoo la leexin karo una sahlaya rakaabka in ay sheekeystaan.

Sidoo kale, waxaa ku rakiban 12 telefoon oo yaala qolalkiisa iyo goobo lagu nasto. Intaas waxaa u dheer, qolal loo qaabeeyay guri boqortooyo oo u gaar ah boqorka iyo martidiisa oo uu ku jiro qol labiska loogu talagalay.

Boqor Faaruuq ayaa ahaa boqorkii ugu dambeeyay Masar, wuxuuna dhashay 11-kii Feberaayo 1920-kii, waxaana uu talinayey boqortooyadii Calawiyiinta ee uu aasaasay Muxamed Cali Pasha.

Xukunkiisu waxa uu socday 16 sano laga soo bilaabo 1936 ilaa uu ku baxay dhaqdhaqaaqa saraakiisha xorta ah ee kacaankii 1952. Boqorka iyo qoyskiisa waxa loo musaafuriyay Talyaaniga, halkaas oo uu ku geeriyooday March 18, 1965kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Itoobiya oo ku sii siqaya xuduuda Eritrea, iyadoo laga cabsi qabo dagaal cusub

Asmara ayaa sheegtay in eedeymaha Addis Ababa ee ku saabsan duullaanka ciidamada Eritrea ay u dhigmaan “ku dhawaaqid dagaal”.

  • Afrika

    14-10-2026

  • 06:08AM

Madaxweynihii hore ee Congo Kabila oo sameystay isbahaysi cusub oo beddelaya M23

Isbahaysigan ayaa Isniintii lagu dhawaaqay magaalada Goma ee bariga Congo, oo ay kooxda M23 gacanta ku dhigtay bishii Janaayo 2025.

  • Afrika

    13-10-2026

  • 07:45AM