Dowladda Nigeria oo goobaysa in ka badan 250 arday la afduubtey

Image
Nigeria waxaa ku badan kooxo dambiilayaal ah oo aad u hubeysan oo mootooyinka wata.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha dalka Nigeria, Bola Ahmed Tinubu, ayaa waxa uu diray ciidamo la doonayo in ay soo badbaadiyaan in ka badan 250 arday oo ay dableydu ka qafaasheen iskuul ku yaalla waqooyi galbeed ee dalkaasi.

Falkan argagaxa ku riday dadweynaha aggaas ayaa waxaa lagu tilmaamay mid kamid ah af-duubkii ugu ballaarnaa ee ka dhaca waddankaas muddo saddex sano ah.

"Waxaan warbixin ka helay madaxda ammaanka, waxaana ku kalsoonahay in dhibanayaasha la soo badbaadin doono," ayuu Tinubu ku yiri hadal uu jeediyay Jimcihii.

Isagoo ku amray ciidamada qalabka sida inay ku raad-joogaan afduubayaasha, Tinubu ayaa ku daray: "Wax kale oo aniga iyo xubnaha qoyska sugaya ee muwaadiniintan la afduubay ma aqbali karo".

Sikastaba ha ahaatee, weerarkii ugu dambeeyay oo ka dhacay gobolka Kaduna ayaa ahaa afduubkii labaad ee wadareed todobaad gudihiis ka dhaca dalka ugu dadka badan Afrika.

Nigeria waxaa ku badan kooxo dambiilayaal ah oo aad u hubeysan oo mootooyinka wata ay bartilmaameedsadaan dhibanayaasha tuulooyinka iyo dugsiyada iyo hareeraha waddooyinka waaweyn iyagoo ugaarsanaya lacago madax furasho ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM

Mareykanka oo Masar u fasaxay $320 milyan oo gargaar milatari ah

Qaybta lacagta ah ee shuruudaha laga qaaday ayaa ka tirsan maalgelinta milatari ee Mareykanka ee sanad-maaliyadeedka 2025.

  • Afrika

    03-10-2026

  • 05:39AM